KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Saldhiga la weeraray ayaa waxaa fariisimo ku lahaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni.
Qaraxyada saldhiga lagu weeraray oo ahaa Bambada gacanta laga tuuro ayaa mar qura waxaa dhawaqeeda laga maqlay xaafada Calanleey oo uu ku yaalo saldhiga degmada Kismaayo, waxaana intaasi kadib xigay rasaas la isweeydaarsaday oo saacado kooban socotay.
Ilaa hadda ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka xalay lagu qaaday saldhiga dhexe ee magaalada Kismaayo, saraakiisha Ciidamadana way ka gaabsadeen inay faah faahin ka bixiyaan sida ay xalay wax u dhaceen.
Kooxda Shabaab ayaa shegatay Masuuliyada weerarkaasi ka dhacay magaalada Kismaayo.
Keydmedia Online - Xafiiska Kismaayo
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.