KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wariyaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Axmed C/laahi Fanax ayaa waxaa uu ka shaqeyn jiray wakaalada wararka ee Saba ee laga leeyahay dalka Yaman, waxaana maanta barqadii ay kooxo hubeysan oo manaxayaal ah ay ku dileen degmada Dharkeynley.
Ciidamo ka tirsan Dowaldda Soomaaliya oo soo gaaray goobta dilka uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgallo inkastoo aysan jirin cid ay dilkaasi u soo qabteen.
Macadda sababta ka dambeysay dilka Wariyahaan, balse dilkaan waxaa uu qeyb ka yahay dilalka qorsheysan ee Muqdisho loogu geysto.
Muqdisho waxaa ay kamid tahay meelaha ugu amaanka darran aduunka ee ay wariyaasha ka howlgalaan.
Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.