Faahfaahin: Dagaal xoggan oo ka dhacay Jowhar

Iska hor-imaad xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada Doowladda iyo kuwa HirShabeelle oo is garab-sanaya iyo kooxda la baxday Macawisley ayaa saakay ka dhacay Magaalada Jowhar.

Warar Keydmedia Online
Faahfaahin: Dagaal xoggan oo ka dhacay Jowhar

JOWHAR, Soomaaliya - Dagaal culus oo dhaxeeya ciidamo ka tirsan maamuka Hirshabeelle iyo Koox Macawisley ah ayaa saakay barqadii ka qarxay bannaanka Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellha dexe.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu billawday kadib markii rag  ka tirsan Macawisleyda ay weerareen bar koontarool oo ku taalla dhinaca galbeed Magaala Madaxda Hirshabeelle ee Jowhar.

Qasaaro xooggan, ayaa la soo warinayaa, waxaa la xaqiijiyay geerida allaha u naxariistee, Cali Axmed Goodaad ‘Madoobe’ oo ka mid ahaa oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta madaxtooyada Hirshabelle, halka uu dhaawacmay Ciise Nuur oo ku jiray barotakoolka xaafiiska Cali Guudlaawe.

Dagaalkaan ayaa loo aaneeyay kadib markii Madaxtooyada Hirshabeelle ay xirtay qaar ka mid ah Madaxda Macawisleyda, waxayna doonayaan in ay gudaha u galaan Magaalada si ay u soo furtaan Maxaabiista.

KEYMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.