FAAHFAAHIN: Qarax ka dhacay magaalda Baraawe

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Baraawe, kaasoo uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray dad shacab ah, kuwaasoo u badnaa dad ka baxay busteejada iyo kuwo markaas soo galay magaalada.

Warar Keydmedia Online
FAAHFAAHIN: Qarax ka dhacay magaalda Baraawe

BARAAWE, Soomaaliya – Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay xarunta rasmiga ah ee Dowlad gobolleedka Koofur galbeed ee degmada Baraawe oo ka tirsan gobolka Shabeellha hoose.

Nooca qaraxa ayaa ahaa Miino lagu aasay goob boosteejo ah oo laga raaco gaaddiidka u goosha dhanka degaanka Kuunya-barow, kaas oo dhacay xilli uu goobta ka jiray mashquul badan, sida ay Keydmedia Online u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Baraawe, kaasoo uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray dad shacab ah, kuwaasoo u badnaa dad ka baxay busteejada iyo kuwo markaas soo galay magaalada.

Ugu yaraan hal ruux ayaa ku geeriyooday halka ku dhawaad 10 kale ku dhaawacmeen, kuwaas oo la dhigay isbitaalka magaalada, mana jiraan wax dad ah oo ciidanka ammaanku u qabteen falka, inkastoo baaritaan miino baaris ay ku sameeyeen goobta.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga iyo maamulka degmada, hayeeshee, Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay qaraxa la eegtay goob ay askar katirsan Dowladda Fedraalka ku sugnaayeen, waa sida ay hadalka u dhigeene.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.