Faahfaahin; Qaraxyo xooggan oo ka dhacay Baladweyne  

Labo qarax oo aad u xooggan loona adeegsaday laba baabuur oo mid ka mid ah yahay kuwa waa weyn ee xamuulka lagu qaado ayaa ka dhacay illinka laga galo xerada Lama-galaay oo xarun u ah maamulka gobolka Hiiraan.

Warar Keydmedia Online
Faahfaahin; Qaraxyo xooggan oo ka dhacay Baladweyne  

BALADWEYNE, Soomaaliya – Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan, ugu yaraan dhawaqa labo qarax oo aad u xooggan ayaa laga maqlay guud ahaan xaafadaha degmada Baladweyne oo magaalo madax u ah gobolka Hiiraan.

Qarax-yadaan oo ahaa is-miidaamin loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa ka dhacay afaafka hore ee xarunta Lama-galaay oo ah halka ay ku shaqeeyaan maamulka Gobolka iyo degmada, kuna sugan yihiin masuuliyiinta Hirshabeelle.

Sida ay Keydmedia Online u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, qaraxa ayaa sababay khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen masuuliyiin xilal sare ka hayay maamul Hirshabeelle.

Wasiirkii Caafimaadka Maamul gobolleedka Hirshabeelle Sakariye Maxamed Axmed (Hurre), Guddoomiye ku xigeenka Maamulka & Maaliyadda Gobolka Hiiraan Abuukar Cabdullaahi Maadey iyo dad kale ayaa ku geeriyooday qaraxyada.

Sidoo kale dadka dhaawacyadu soo gaareen waxaa ku jira, Guddoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda degmada Matabaan Cabdikaafi Shire Colaad, taliyaha ciidamada Daraawishta maamulka Hirshabeelle iyo dad kale oo shacab ah.

Baladweyne waxa ay xuddun u tahay howl-gallada gobolka Hiiraan looga xoreynayo Kooxda Al-Shabaab, waxaana tan iyo billowgii sanadkaan ka dhacay qaraxyadii ugu badnaa oo ay qeyb ka yihiin kuwo siyaasadeed oo lagu dilay dad indhaha bulshada ahaa.

KEYDMEDIA ONLINE  

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.