KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Shaqsiyaadka la qafaalay oo u kala shaqeynayay hey’adaha UNICEF iyo ICRC ayaa waxaa la tilmaamay in afduubkooda uu ka danbeeyay kadib markii ay madax adeegeen bixinta lacag qasab ah oo ay shabaabku damceen in ay ka qaadaan hey’adahaasi.
Ilo xog-ogaal ah oo Baydhabo ku sugan ayaa sheegay in raggaasi ka hor inta aan la qafaalin ay kulan la qaateen saraakiisha ugu sareysa maamulka Shabaab ee Gobalka Bay, waxaana kulankaasi uu ku soo dhamaaday guul daro kadib markii ay diideen madaxda SHABAAB in ay ku raali noqdaan amar diidi ay sameeyeen shaqsiyaadkaasi.
Inkastoo kulanka si nabad ah loogu soo kala baxay hadana inta aanay guryahooda gaarin ayaa waxaa ka soo dabaxay dhalinyaro ka tirsan garabka Godane ee lagu Magacaabo MILATA IBRAAHIIM kuwaasoo raga ula kacay meel aan la aqoon.
Inkastoo UNICEF shalay diyaarado wada sahay gargaar ay ka dajisaay Baydhabo hadana lama hayo dadaal loogu jiro sii deynta raggaasi, waxaana la xusay in sii deyntooda ay ku xirantahay bixinta qarash ay shabaab hub ku iibsadaan.
www.keydmedia.net
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.