KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Warar hore oo arbacadii la helay ayaa sheegayay in idaacada loo heystay wareysi ay ka qaaday dhalinyaro shabaab ka soo goosatay oo dowlada ka cabaneyso taasoo uu saxaafadda u sheegay wasiirka Warfaafinta C.kariin Xasan Jaamac.
Laakiin warar iminka soo ifbaxaya ayaa sheegaya in dowlada gaar ahaan wasaarada warfaafinta ay idaacadaasi ku heysato qodobo aan sharci ahaan sax aheyn kuwaasoo ay ka mid yihiin:
- In idaacada ay ka guurto mowjada ay ku shaqeyso ee 88.0 FM taasoo uu wasiirka warfaafinta doonayo in ay ka soo gasho idaacad la yiraahdo Mustaqbal oo ay dhawaan wasaarada warfaafinta hirgalin doonto.
- Loolan dhanka baahinta Idaacada VOA-da ee Dalka maraykanka laga leeyahay, waxaana idaacada kulmiye ay uga hormartay Radio Muqdisho oo codka dowlada ku hadla iyadoona Kulmiye ay VOA_da barnaamijkeeda fiidnimo ay si toos ah u sii deyso 7:00 Fiidnimo halka Radiyow muqdisho ay ka soo gasho VOA 8:00 fiidnimo, taasina waxay sababtay in kulmiye ay la wareegto macaamiil ku taxneed Radio Muqdisho.
- Idaacada Kulmiye oo isaga leexatay in badan in ay ka waranto dagaalka ka socda Kalshaale ee u dhaxeeya Maamulka Somaliland iyo jabhada SSC oo uu dhalasha ahaan ka soo jeedo wasiirka warfaafinta.
- Sidoo kale wasiirka oo ka carooday dhalinyaro ka tirsan wasaarada warfaafinta oo maalgalin shaqsiyadeed ku sameestay idaacadaasi si il dhaqaale ay ugu noqoto isla markaana ay ku biiraan maamulayaasha warbaahinta maadaamada mudo ay ka ahaayeen warbaahinta Soomaaliya howl wadeeno.
Waxaa lagu waramayaa in wasaarada warfaafinta iyadoo dooneysa in ay boorka ku qariso dhamaan qodobadaasi ayaa loo adeegsaday Nabad sugida in ay xiraan idaacadaasi, waxaana xog aan helnay sheegeysaa in maamulka idaacada kulmiye mar ay la hadleen Nabad sugida loo sheegay in ay fasax yihiin oo ay shaqeysan karaan laakiin wasaarada warfaafinta ay heysato.
Wasiirka warfaafinta oo ay wada hadleen Agaasimaha Idaacada kulmiye Abwaan Cismaan C.llaahi Guure ayaa waxa uu weydiisatay lacag dhan kun iyo Todobo boqol oo doolar si ay idaacada u shaqeyso.
Waxaana idaacadani ay noqoneysaa tii ugu horeysay ee ay dowlada weydiisato lacag ceynkan oo kale ah.
WWW.KEYDMEDIA.NET
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.