Fadeexad dul-hoganeysa Wasiirka Arrimaha Dibadda

Kholoud Yusuf, waxa ay niyad-jab ka muujisay jawaab la’aanta xaafiiska Farmaajo ee cabashadeeda, waxayna xustay inuu baahay ugaarsiga gabdhaha iyo gabool-fallada lagu hayo haweenka da’da yar ee qurbaha ka soo laabtay iyo kuwa dal-joogga ah.

Warar Keydmedia Online
Fadeexad dul-hoganeysa Wasiirka Arrimaha Dibadda

MUQDISHO, Soomaaliya – Kholoud Yusuf oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhallinyaro ah, ku dhalatay Sucuudiga, kuna soo barbaartay Ingiriiska, ayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisaciid Muuse Cali, ku eedeysay inuu isku dayay inuu kufsado ama gogol-dhaaf la sameyso, si uu u siiyo shaqo arrimo dibadeed.

Kholoud Yusuf, oo ka mid ah shaqsiyaadka aadka u taageersan Madaxweynihii hore Farmaajo, ayaa qoraallo badan oo arrinkaan la xariira ku daabacday bogga ay ku leedahay Twitter-ka, waxayna Cabdisaciid, ku tilmaantay, nin gabdhaha yaryar fara-xumeeya isagoo u ballan qaadaya shaqooyin aysan heli doonin, marka lagu ciyaaro sumcaddooda kadib.

Arrinkaan oo si weyn loo hadal hayay saacadihii la soo dhaafay, ayay Keydmedia Online, wax ka weydiisay qaar ka mid ah, howl-wadeennada Wasaaradda, waxayna sheegeen in fadeexaddu si weyn u faaftay, isla-markaana shaqaaluhu ka war qabaan in Kholoud Yusuf, ka soo tagtay shaqo ay ka heysay Madaxtooyada si ay u hesho shaqada Qunsul Sucuudiga.

“Gabadhu maalmahaan ayay kusoo laalaabaneysay xaafiiska, waxa ay saaxiibadeed u sheegtay in loo ballan qaaday shaqada ay raadineyso, saasoo ay tahay, waxaa soo baxay hadalkeedaan oo fadeexad ku ah, Wasaaradda, Cabdisiciid, wax kasta ayaa ka suuraaba”. Ayuu KON u sheegay C/salaam oo ka mid ah howl-wadeennada wasaadadda.

Kholoud Yusuf, waxa ay niyad-jab ka muujisay jawaab la’aanta xaafiiska Farmaajo ee cabashadeeda, waxayna xustay inuu baahay ugaarsiga gabdhaha iyo gabool-fallada lagu hayo haweenka da’da yar ee qurbaha ka soo laabtay iyo kuwa dal-joogga ah, isla-markaana aysan jirin, cid u taagan wax ka qabashada arrinkaas meel ka dhaca ah.

Sida ay sheegtay waxa ay heysaa farriimo uu Cabdisiciid, kaga codsaday in ay jirkeeda ku beddelato shaqada ay dooneyeso, waxa ay xustay in markii ay eedda soo gudbisay uu ka block gareeyay Whatsapp-ka iyo Twitterka, si uu isaga indhatiro eedeymaha ama guud ahaan isaga fogeeyo fadeexaddaan oo sida muuqata si weyn u baahday.

Ma ahan, markii ugu horreysay oo arrimo ceynkaan oo kale ah, ka dhacaan xaafiisyada sarsare ee dowladda, waana cabasho muddo soo taagneyd in qaar ka mid ah shaqsiyaadka madaxda sheegtay ay shaqo bixintooda ku xiraan xujooyin kala duwan, Cabdisiciid ayaana ka mid ah rag hore loogu eedeeyay gabood-fallo jismiyeed.

Sida ay Keydmeida Online, ku sheegtay, warbixinta [Ciil-qabe cuqdadeysan] Cabdisiciid Muuse, wuxuu 15 sano ka hor kufsi iyo af-duub u geystay gabar aan qaan-gaarin, isla-markaana ay hadda dacwo ka taallo dalka Kenya, xilligaas wuxuu la socday kooxdii Cabdullahi Yuusuf iyo Tigreegi Itoobiya ee duullaanka ku soo qaaday Muqdisho.

Kooxda waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo hoggaaminayay, ayaa la rumeysan yahay in ay yihiin kooxda gabood-fallada ugu badan u geysatay gabdho dhallinyaro ah oo duruufo gaar ah looga faa’iideystay, waxaana taas loo aaneynayaa in hoggaanka Kooxda ay u badan yihiin shaqsiyaad intooda badan ka caaggan cibaadada iyo fulinta waajibaadka Alle.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.