Fahad Yaasiin oo billaabay ugaarsiga shaqaalaha NISA

Bartilmaameed ayey noqdeen inta badan shaqaalaha hay'ada sirdoonka qaranka, kuwaa oo la tuhmayo in ay hayaan xogo la xiriira eeddaha loo heysto hoggaankii hore ee NISA.

Warar Keydmedia Online
Fahad Yaasiin oo billaabay ugaarsiga shaqaalaha NISA

MUQDISHO, Soomaaliya- Beegsiga lagu hayo saraakiisha iyo shaqaalaha hay'ada NISA, ayaa maalmahan ku soo cusboonaaday Muqdisho, tan iyo markii la eryey Farmaajo iyo Fahad.

Unug si gaar ah u tababaran, oo fuliya dilalka qorsheysan, ayuu howshan u xil saartay Fahad Yaasiin sida ay sheegayaan xogaha hoose ee aan ka helayno,dadkii ka agdhaweyd muddadii uu falkinayey siyaasadda dalka.

Kooxda oo ku hubeysan bistoolado, ayaa shalay Muqdisho ku dilay sarkaal ka tirsan hay'ada nabad sugida, kaas oo lagu magacaabayey Maxamed Cabdullaahi Garaseey (Sheekh Cajaa’ib).

Ninkan oo aad uga warqabay dhaq dhaqaaqa Fahad xilligii uu ahaa taliyaha NISA, ayaa noqday bartilmaameedka koowaad ee qorshaha lagu ugaarsanayo shaqaalaha iyo saraakiisha ka tirsan hay'ada nabad sugida.

Arrinta shakiga badan dhalineysa ayaa ah, in kooxdii dishay, ay hore uga qaateen, bistooladiisa iyo Computer Labtop ah, kaas oo sida la rumeysan yahay ay ku keydsanayeen xogo badan.

Markii la dilayey sarkaalkan, waxa uu ku socday gaari nooca raaxada ah, wuxuuna dilku ka dhacay suuqa Seybiyaano ee degmada Hodan, xilli uu iibsanayey khudaar.

Qorshahan waa mid lagu raad tirayo, kiisaska denbiyada ee loo heysto Fahad, oo ay ugu weyn tahay arrinta Ikraan Tahliil, waana qorshe ku soo beegmaya waqti hoggaanka cusub ee NISA, uu billaabay baaritaan qoto dheer oo la xiriira denbiyadii dhacay 5-tii sano ee la soo dhaafay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.