Fahad Yaasiin oo dhibaato u maraya ku soo laabashada dalka

Waxaa soo baxaya war sheegaya in Fahad uu ka haray diyaaradda isla-markaana uu galabta soo raaci doono dulimaadka Qatar Airways, ee ku soo wajahan Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Fahad Yaasiin oo dhibaato u maraya ku soo laabashada dalka

JABUUTI – Sida ay carabaabayaan xogo soo baxaya duulimaadka maanta ee dayaaradda Turkish Airlines, ay ku imaan lahayd Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa dib u dhacay muddo saacado ah, waxaana dadka rakaabka ah lagu wargaliyay in muddo diyaaradu ku hakaneyso Jabuuti.

Sida ay wararku sheegayaan, diyaaraddaan oo xalay xilli danbe ka soo kacday magaalada Istanbul, ayaa waxa saaran Taliyihii hore ee Nabad Sugidda, eedeysane Fahad Yasin, oo ku sii jeeda magaalada Muqdisho.

Maamulka diyaaradda ayaa lagu wargaliyay, in ciidamado xooggan oo ka tirsan NISA, gaar ahaan garabka taabacsan Fahad, ay buux-dhaafiyeen garoonka diyaaraha Aadan Cadde, taas oo sababtay in laga cabsado shaqaaqo, maadaama Fahad Yaasiin, ay ku furan tahay dacwo maxakamadeed loona heysto kiiska Ikraan Tahliil.

Warar ayasan Keydmedia Online xaqiijin karin, ayaa sheegaya in Ciidamada booliiska Djibouti ay dayaaradda ka wadeen Fahad, isla-markaana rakaabka ku wargaliyeen in diyaaraddu sii wadan doonto socodkeeda.

Sidoo kale, waxaa soo baxaya war sheegaya in Fahad uu ka haray diyaaradda isla-markaana uu galabta soo raaci doono dulimaadka Qatar Airways, ee ku soo wajahan Muqdisho.

Rakaabka, ayaa markii hore loo sheegay in ay jirto cillad dhanka diyaaradda ah, hayeeshee, sida ay xoguhu tilmaamayan howl-gallada ciidamada dheeraadka ah ee la geeyay garoonka Aadan Cadde, ayaa sabab u ah hakadka duulimaadka.

Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa Fahad Yaasiin ka raacdeeyay xilka Agaasimaha NISA, kadib markii uu ka dhago adeegay amar ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha, oo ahaa inuu keeno warbixin dhameystiran oo la xariirta kiiska Ikraan Tahliil, oo gacantiisa ku maqan tan iyo 26-kii Juun.

Farmaajo, oo rumeysan in la’aanta Fahad uusan ku sii jiri karin saaxada siyaasadda, ayaa wada dadaalladii iyo isku dayadii ugu danbeeyay ee lagu doonayo in Fahad iyo kooxdiisa looga badbaadiyo gacmaha sharciga, islka-markaana hor tagaan cadaaladda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.