Fahad Yaasiin oo isagoo magaca bedeshay Xildhibaan noqdey

Waxay ahayd doorashadiisa mid la filayay inuu kusoo baxayo kursiga HOP086, oo mudo 8 sano ah ku fadhiyay Faarax Sheekh C/qaadir.

Warar Keydmedia Online
Fahad Yaasiin oo isagoo magaca bedeshay Xildhibaan noqdey

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahad Yaasiin, ayaa noqdey Maanta Xildhibaan, isagoo ku guuleystay doorasho ka dhacday Beledweyne, oo shalay tagey wax yar kadib qarax 15 ku dhimatay.

Magac cusub oo ah Fahad Daahir Axmed ayuu la baxay, wuxuu helay 70 cod, halka Musharaxa Malxiiska Axmed Dayib uu helay 24 cod, waxaana guushu ay ahayd mid horey loo ogaa.

Khudbad uu jeediyay Guushiisa kadib, ayuu ku sheegay in markii ugu horeysay oo isaga loo codeeyo tahay mudadii uu kusoo jiray siyaasadda Soomaaliya tan iyo shirkii Carta 2000.

Waxuu kaloo sheegay inuu rajeynayo in markale kusoo laabto Kursiga oo hadda ku fariistay, oo ah mid uu rabo inuu uga soo gudbo gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gollaha Shacabka.

Fahad ayaa la filayaa inuu bedelo Muudey, oo uu dhawaan ka celiyay Garoonka Muqdisho, isagoo usii jeeda Baraawe oo tartan doorasho u socdey, waxayna ahayd arin siyaasadeysan.

Ninkan hadda la-taliyaha amniga u ah Farmaajo ayaa raba in isaga iyo Koox kale oo NISA katirsan, oo galay Baarlamaanka inay ka shaqeeyaan dib u doorashadda MW hore Farmaajo.

Fahad, Kulane Jiis iyo Yaasiin Fareey, oo ku jira Liiska shaqsiyaadkii lagu eedeeyay dilka Ikraan Tahliil, ayaa noqdey Xildhibaanno, waxayna isku dayayaan inay ka dhuuntaan Cadaaladda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.