Fahad Yaasiin oo ka cararay dalka [Halkuu aaday]

Fahad wuxuu shantii sano ee la soo dhaafay, ahaa furaha mushkiladda Soomaaliya, wuxuu astaan u ahaa, cabburin, caga-jugleyn, carqaladeyn iyo dhibaato oo dhan, waxaana ku furan dacwo maxakamadeed oo la xariira kiiska Ikraan Tahliil oo tan bartamihii July 2021 maqan.

Warar Keydmedia Online
Fahad Yaasiin oo ka cararay dalka [Halkuu aaday]

MUQDISHO, Soomaaliya – Agaasimihii hore ee Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, eedeysane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa boorsooyinkiisa ka xirxirtay Muqdisho, maalin ka hor inta uusan xaafiiska Madaxweynaha la wareegin Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida ay KEYDMEDIA, u xaqiijiyeen, ilo loo qaateen ah, eedeysane Fahad, ayaa maanta ka ambabaxay, garoonka Aadan Cadde, isaga oo ku wajahan dalka Turkiga, waxaana safarkiisa ku wehliya saaxibkiisa gaarka ah Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi [Dheere].

Ma cadda in Fahad, si guud uga guuray caasimadda, hayeeshee, xilliga uu ku soo aaday socdaalkiisa, ayaa sii xoojineysa shaki hore loo qabay oo ahaa inuu ka bixi doono dalka, maadaama loo heysto eedo xooggan iyo gabood-fallo uu u geystay dad gaar ah.

Xogo hore u soo baxay ayaa sheegayay inuu degi doono dalka Qatar, halkaasoo uu ku leeyahay saaxiibbo sirdoon, oo sabab u ahaa in Dowladdaas dhaqaale xooggan ku taageerto, nidaamkii Farmaajo ee uu isagu ka maamulayay daaha gadaashiisa.

Fahad wuxuu shantii sano ee la soo dhaafay, ahaa furaha mushkiladda Soomaaliya, wuxuu astaan u ahaa, cabburin, caga-jugleyn, carqaladeyn iyo dhibaato oo dhan, waxaana ku furan dacwo maxakamadeed oo la xariira kiiska Ikraan Tahliil oo tan July 2021 maqan.

Sida muuqata, Fahad, wuxuu ka samray kursiga HOP086, kaasoo uu dhamaadkii Feberaayo kusoo boobay, magaalada Baladweyne, hayeeshee, ay Guddiga Doorashooyinka Heer Faderaal ka soo qaadeen wax kama jiraan, isla-markaana uu ku taageeray RW Rooble.

KEYDMEDIA ONLINE    

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.