Fahad Yaasin oo ‘dalbaday’ kulan

Agaasimaha NISA, Fahad Yaasiin, ayaa dalbaday inuu ka horjeediyo shir ay goobjoog ka yihiin Golaha Amniga Qaranka, asigoo ka jawaabaya amarkii RW Rooble. 

Warar Keydmedia Online
Fahad Yaasin oo ‘dalbaday’ kulan

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahad Yaasiin ayaa ka soo warceliyay dalabkii Ra’isul Wasaare Rooble oo shaley 48 saac u qabtey in warbixin dhammeystiran looga keeno Ikraam Tahliil

Warqad uu u diray Ra’iisul-wasaare Rooble, oo hortaalla Keydmedia Online, ayuu kaga dalbaday inuu ka horjeediyo shir ay goobjoog ka yihiin Golaha Amniga Qaranka.

Golahaan Amniga Qaranka waxaa xubno ka ah, Madaxweynaha, Ra’iisul Wwasaaraha, Taliyayaasha Ciidamada, Wasiiradaha Amniga,Gaashaandhiga, iyo Madaxda Maamul goboleedyada.

“Innagoo fulinayna amarkaaga, ogna xasaasiyadda kiiska sarkaal Ikraan oo noqday mid heer qaran ah, fahansanna in arrintan ay si toosa iyo si dadban u khuseyso xafiisyo iyo hay’ado kala duwan oo dowladda kamid ah, xaqna u leh inay ogaadaan xaqiiqda dhacdadaan iyo xogta ay xambaarsan tahay warbixitaan aad naga dalbatay, ayaan waxaan si sharaf leh kaaga codsanaynaa in aan xogta ka horjeedino Golaha Amniga Qaranka oo wada dhan, oo ay xubno ka yihiin hay’addaha iyo xafiisyada ay arrintan ku shaqada leh.” ayuu qoraalkiisa Fahad ku yiri.

Saacado kooban oo ka harsanaa in uu tallaabo qaado Rooble ayaa jawaabtan ka soo yeertay Fahad oo la’ cid uu u tiiriyo kiiska Ikraan lagu la’yahay ayay dadka qaar aragti ahaan qabaan in uu ka qabay go’aanka uu qaadan karay Rooble, taas oo ku qasabtay warqad uu ku codsanayo in arrinta laga dhexeysiiyo Golaha Amniga Qaran u soo diro Ra’iisul wasaaraha oo uu markaa go’aanku noqonayo mid kawada dhaxeysa Golaha.

Keydmedia English ayaa shalay shaacisay Warbixin sheegeysa in Fahad Yaasin ku aqal galay dalka Turkiga.

Sida ay Keydmedia Online u xaqiijiyeen ilo Sir-doon iyo saraakiil muhiim ah oo ka tirsan NISA, Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Qaranka, Fahad Yaasiin, oo ku eedeysan af-duubka iyo dilka Ikraan Taliil, ayaa todobaadkaan ku aqal galay dalka Turkiga.

Inkastoo warka ugu weyn Soomaaliya uu maalmahaan ahaa, kiiska Ikraan, oo la rumeysan yahay in Fahad geeri iyo nolol middey ahaataba uu meel ku ogyahay, hadana taas badelkeeda wuxuu tamashle, dalxiis, durbaan-tumid iyo todobo-gal aroos u joogaa xeebaha badweynta Mediterranean-ka.

Fahad, wuxuu la xididay Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Shiikh Bashiir Axmed Salaad, kaas oo lagu xasuusto inuu afartii sano ee la soo dhaafay si weyn u difaacayay Maamulkii Farmaajo, Ilo loo qaateen ah ayaana KON u sheegay in gabadha uu guursaday Fahad uu waalid u yahay Sheekh Bashiir.

Sheikh Bashiir, oo aan kiiska Ikraan ka hadlin tan iyo m arkii la af-duubtay, ayaa maalin ka hor soo fariistay muuqaal baahiyaha, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay dhallinyaro Fahad Yaasiin ku beel ah oo lagu qafaashay Baladweyne, taas oo keentay in  shacabka Soomaaliyeed is weydiiyaan, sababta uu Sheekh Bashiir, uga hadli waayay af-duubka Ikraan, oo labo bil iyo bar maqan, isla-markaana uu saacado kadib af-duubka dhallinyarada Baladweyne ula hadlay warbaahinta?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa 48-saac u qabtay Fahad inuu xog rasmi ah ka keeno kiiska Ikraan, waxaana saacadaha soo socda la filayaa go’aan wax ku ool ah oo ka yimaada Xukuumadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.