Fahfaahin ku saabsan diyaarad ku dhacday Garoonka Beledweyne

Ilaa haatan ma cadda waxa sababay shilka, hase yeshee warar hordhaca ah ayaa sheegaya in diyaaradda ay baalka ku dhufatay carro loogu talgalay dhismaha Garoonka Magaalada.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin ku saabsan diyaarad ku dhacday Garoonka Beledweyne

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa shil diyaaradeed, oo maanta ka dhacay Garoonka magaaladda Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Diyaaraddan oo nooceeda yahay "The De Havilland Canada DHC-8" oo loo yaqaano [Dash 8]  ayaa la sheegay inay ahayd nooca xamuulka qaada, waxayna saakay kasoo duushay dalka Jabuuti iyadoo gobolka Hiiraan usoo qaaday gargaar bini'aadanimo, oo loogu tala-galay dadkii ay saameeyeen roobabka iyo fatahaadaha.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda ay baalka ku dhufatay carro loogu talgalay dhismaha garoonka Magaalada xilligii ay degi ratay waxaana kadib qabsaday dab xoog leh markii ay ka baxday dhabaha. Dadkii saarnaa oo ka koobnaa duuliyaha iyo labo kale oo shaqaale ah ayaa laso badbaadiyay iyagoo badqaba.

Sawirro goobta laga soo qaaday ayaa muujinayay uuro madow oo cirka isku shareertay, iyadoo dabka uu baab'iyay qeybo kamid ah diyaaradda iyo sahaydii gargaarka ay waday. Shilalka diyaaradaha ayaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.