KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Dagaalka ayaa dhacay xili Madaxweyne Qoor-Qoor uu ka maqan yahay Dhuusamareeb, sidoo kalena magaaladda ku sugan yihiin labo Ciidan oo Dowladda Federaalka leedahay, oo Boolis iyo Nabad Sugid isagu jira.
DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Ugu yaraan 7 qof oo shacab iyo Askar isagu jira ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen iska horimaad maanta gudaha magaaladda Dhuusamareeb ku dhexmaray Ciidanka Booliska Harmacad iyo Nabad Sugida.
Dadka degaanka qaar kamida oo la hadlay Keydmedia Online, ayaa sheegay in dagaalka uu qarxay kadib markii Booliska ay u diideen gaadiid ay wateen Nabad Sugida inay maraan bar-koontarool oo ku taalla magaaladda, gaar ahaan nawaaxiga xarunta Inji, oo horey Ahlu Sunna Madaxtooyo ugu ahayd.
Mudo ku dhawaad hal saac ayuu qaatey dagaalka labada dhinac, iyadoo markii dambe iskiisa u istaagey. Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hubka culus iyo kan fudud, oo laga maqlayay guud ahaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladda.
Wararku waxay sheegayaan in Ciidanka dowladda ee ku sugan magaaladda uusan ka dhaxeyn wada-shaqeyn, waxaana mudooyinkii dambe soo ifaxay khilaafkooda oo gaarey heer in Booliska Harmacad ay jidgooyo sameystaan, kana celiyaan kuwa Nabad Sugida.
Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ku gudaha jira wali safar shaqo, isagoo maalmahan socdaal ku marayay degaano katirsan Galmudug, oo Gaalkacyo, Caabuqwaaq iyo Cadaado ay ku jiraan, iyadoo ay wehliyaan inta badan wasiiradda Xukuumadiisa iyo Xildhibaano.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.