Fahfaahin: Mid kamid ah Wasiiradda Hir-Shabeelle oo la dilay

Nin hubeysan ayaa rasaas ku furey Wasiirka xili uu kasoo baxayay Masjid uu Salaadii Cishaha Caawa kusoo tukaday, waxaana goobta markii dambe isaga baxsaday gacan-ku-dhiiglaha.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Mid kamid ah Wasiiradda Hir-Shabeelle oo la dilay

JOWHAR, Soomaaliya - Saraakiisha amniga HirShabeelle ayaa xaqiijiyay dilka Wasiirkii Beeraha Maamulkaas C/qaadir Karaani, kaasoo Caawa dabley hubeysan ay ku toogteen gudaha magaaladda Jowhar Salaadii Cishaha kadib.

Marxuumka ayaan la ogeyn cida dishay, balse waxaa socda baaritaan ku saabsan qaabkii uu falka u dhacay, iyadoo la wareysanayoo dadkii goobjooga u ahaa toogashadda Wasiirka, oo sidoo kalena ahaa Xildhibaan.

Madaxweyne Waare ayaa xilka Wasiirka Beeraha u magacaabey C/qaadir Abuukar Maxamed Karaani horaantii bishan, wuxuuna kamid ahaa wasiiro ku yimid xafiiska isku shaandheyn la sameeyay.

Amniga HirShabeelle ayaa faraha ka baxay, kadib markii Al-Shabaab ay dhowr mas'uul iyo Xildhibaanno ku dishay wadada u dhaxaysa Jowhar iyo Balcad xili ay kusii jeedeen Muqdisho ama ka yimid.

Waare oo waqtigiisa dhamaanayo ayaa lagu eedeeyay waxqabad la'aan isagoo mudadii uu xilka hayay ku dhameeyay safaro iyo inuu ku maqnaado magaaladda Muqdisho, oo degaan uu ka dhigtay, halka laga rabey inuu Jowhar ku shaqeeyo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.