Faragelin Fahad Yaasiin ee doorashadda HirShabeelle

Hanaanka wax lagu doortay ayaa noqday mid musuq-maasuq iyo cod iibsasho hareysay, iyadoo ay kusoo baxeen tartanka Musharaxiintii ay wadatey Villa Somalia.

Warar Keydmedia Online
Faragelin Fahad Yaasiin ee doorashadda HirShabeelle

JOWHAR, Soomaaliya - Xildhibaanada HirShabeelle ayaa Maanta doortey gudoon cusub kadib doorasho lagu shubtay codadka oo ka dhacday magaaladda Jowhar, ee Caasimadda gobolka Shabeellaha Dhexe.

Natiijo horey loo filayay ayaa kasoo baxday doorashadda, waxaana guuleystay saddex Musharax oo Villa Somalia taageerayso, kuwaasoo ujeedka laga leeyahay uu yahay inay doorashadda Madaxweynaha HirShabeelle u hiiliyaan Musharaxa uu wato Fahad Yaasiin.

C/xakiin Luqmaan ayaa loo doortay gudoomiye, waxaana ku xigeenka 2aad noqday Mahad Xasan Cismaan, oo qaraabo dhaw yihiin taliyaha NISA, iyadoo xilka gudoomiye ku-xigeenka 1aad oo aan micno badan lahayn laga dhigay Siraaji Sheekh Isxaaq.

Waxaa dhiman doorashadda Madaxweynaha, oo la filayo inay dhawaan dhacdo taasoo tartankeeda u dhaxeeyo Dowladda iyo Mucaaradka, iyadoo Jowhar labo jeer maalmo gudahooda ku laab-laabtay Sheekh Shariif, oo Musharax ah 2021.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare oo Isniintii is-casiley ayaa sheegay in Maamulkan uu noqday sidii neef xoolo ah, oo abaar ku dhacday, caatoobey kadibna maqaarkiisa uu ka qaalisan yahay, isagoo ula jeeday in ujeedka laga leeyahay hadda HirShabeella ay tahay 45 Xildhibaan oo heer Federaalka ah, oo halkaasi ka imaanaya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.