KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Musharixiinta waxay sheegeen in dalka xaaladda hadda uu ku jiro ay tahay mid xasaasi ah, islamarkaana aan loo baahnayn faragelin in lagu sameeyo doorashooyinka.
MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharixiinta ayaa soo dhaweeyay go'aankii RW Rooble uu xilka uga qaadey Kulane Jiis iyo Madaxii NISA ee Garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho maalintii shalay.
Qoraal ay soo saareen Musharixiinta ayaa lagu sheegay in xilka qaadista ay ahayd mid xiligeeda ku timid, oo loo baahnaa maadama Kulane Jiis uu jebiyay xaqa dastuuriga ah ee xoriyadda safarka iyo dhaq-dhaqaaqa muwaadinka.
Dhanka kale, waxaa qoraalka fariin culus loogu diray Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaadey Farmaajo oo ay ugu baaqeen inuu ka waantoobo ku-tumashadda dastuurka iyo faragelinta geedi socodka doorashooyinka dalka, oo Rooble mas'uulka ka yahay.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.