Farmaajo ayaa ammray hadalkii ka soo baxay NISA - CCW.

Bishii hore, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa sheegay in ay soo gaarayeen digniino amni oo isi soo taraya, wuxuuna muujiyay dareen ah, in xilligaan xasaasiga ah ee lagu jiro kala guurka, ay hay’adihii amniga gacanta ku yahaan, kooxo la shaqeysta Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo ayaa ammray hadalkii ka soo baxay NISA - CCW.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay inuu hayo xogo caddeynaya in Madaxweynihii hore, Farmaajo uu amray in la qoro, warkii xalay ka soo baxay taliska NISA, kaasoo ku aaddanaa in ay ka digayaan khatar amni oo ku wajahan xaafiisyo sar-sare.

Warsame, wuxuu sheegay in u jeedka laga lahaa qoraalkaas, uu yahay, isku day lagu carqaladaynayo doorashada dalka, gacantana waddanka loogu gelinayo Kooxda Al-Shabaab, kadib markii uu Farmaajo ku fashilmay muddo kororsi, laaluush, kala qaybin, xil ballanqaadis, howshuma hadda gaartay hanjabad amni.

“Sida aan xog sugan ku helnay farriinta lagu daabacay bogga Twitter -ka ee NISA waxaa amarkeeda bixiyey madaxweynaha xilkiisa dhamaaday”. Ayuu yiri, Cabdiraxmaan, wuxuu xusay in  loo bahaan yahay in dalka laga qabto argagexisada magaca siyaasadeed iyo midda diineed huwan oo ay dantoodu isku tolantay.

Wuxuu sheegay, halkii ay NISA, ka ilaalin lahayd amniga dalka, in ay iyadu ka shaqeyneyso amni darro,  wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa ugu baaqay in ay isbedel degdeg ku sameeyaan hoggaanka hay’adaha amniga, xilkana laga qaado taliyayaasha hadda ku magacaaban amniga ee amni darrada qeybta ka ah.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, wuxuu sheegay, in ajandayaal gurracan lagu hoos qarinayo, munaasabadda 12-ka April, taasoo aan qabsoomin Saddexdii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna soo jeediyay in laga foojignaado, qorshayaal Farmaajo doonayo inuu ku soo aaddiyo si uu u abuuro qalalaaso siyaasadeed.

“Xukuumad, maamul, shacab, siyaasi iyo waxgaradba waa in meel uga soo wada jeesannaa halista uu dalka wajahayo oo xilligan adag badbaadinta dalka u wada istaagnaa, gacana iska qabanaa kuwo doonayaa in ay dumiyaan mirihii Nabada iyo dawlad dhiska dalkeena”. Ayuu ku sii daray.

Bishii hore, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa sheegay in ay soo gaarayeen digniino amni oo isi soo taraya, wuxuuna muujiyay dareen ah, in xilligaan xasaasiga ah ee lagu jiro kala guurka, ay hay’adihii amniga gacanta ku yahaan, kooxo la shaqeysta Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.