Farmaajo iyo Rooble oo heshiiyay

Wasiirka Amniga iyo NISA ayay isku raceen inay isku daayaan, waxaana sidoo kale meesha ka baxay Bashiir Goobe oo la filayo in xil kale lagu qanciyo.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo iyo Rooble oo heshiiyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib wadahadallo uu Lafta-Gareen dhex-dhexaadiyay, Farmaajo iyo Rooble ayaa gaarey heshiis cusub oo ay kusoo afjarayaan khilaafkii u dhaxeeyay.

Waxay ku heshiiyeen in C/llaahi Maxamed Nuur uu sii ahaado Wasiirka Amniga, in Yaasiin Farey uu sii hogaamiyo NISA inta taliye looga soo magacaabayo iyo in Kiiska Ikraan loo daayo Maxkamadaha.

Waxaa meesha ka baxay Bashiir Goobe oo Rooble u magacaabey taliyah NISA, iyadoo heshiiskan u muuqda mid Fahad Yaasiin kasoo shaqeeyay oo qorsho kale ka damacsan yahay, waxaana uu kusoo beegmayaa xili dhawaan Rooble booqday Qatar.

Golla Wasiirka ayaa dhawaan soo jeedin doono cida agaasimaha ka noqonaysa NISA, waxaana oo gudbin doonaa Farmaajo oo digreeto kusoo magacaabaya, si lamid ah taliyeyaasha kale.

Farmaajo ayaa guula ka gaarey qorshihiisa inuu isaga sii maamulo NISA, oo aan gacantiisa ka bixin, maadaama sir badan ay ka taalla hay'adda Nabad Sugida oo Fahad Yasin maamula.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.