Farmaajo oo abaabul Ciidan ka billaabey gobolka Gedo

Farmaajo ayaa Gedo ka saarey gacanta Axmed Madoobe, kadib markii uu u ciray Ciidan Turkiga oo tabararey oo Gogor katirsan, kuwaasoo dagaal kula galay Beled-Xaawo askarta Jubbaland 2021.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo abaabul Ciidan ka billaabey gobolka Gedo

MUQDISHO, Soomaaliya - Gobolka Gedo maalmo kahor waxaa ka billowday abaabul dagaal iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed, oo ka dhan ah dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Magaaladda Doolow oo ku taalla xadka Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya wadaagaan ayaa waxaa kulamo ku leh C/rashiid Janan, Senator Fartaag iyo Gudoomiyaha Gedo Axmed Buulle Garaad.

Qorshaha Janan, Fartaag iyo Axmed Buulle ayaa ah in ay abuuraan jawi colaadeed xili Kumanaan qof oo ku nool Gobolka ay Gaajo iyo Haraad u dhimanayaan kadib markii abaar ku dhufatay.

Waxay damacsan yihiin inay kahor tagaan qorshaha Villa Somalia ee ah in Gedo dib loogu celiyo gacanta Axmed Madoobe, oo maamulkiisii hore uu Farmaajo sanadki meesha ka saarey kadib markii uu u diray Ciidanka Gorgor iyo NISA.

Janan ayaa March 2021 isku soo dhiibay Farmaajo, isagoo Fahad Yaasiin lacag badan ku siiyay inuu ka baxo Maamulka Axmed Madoobe, oo Wasiir amni ka ahaa, waxaana la geeyay Muqdisho.

Xogta KON ayaa sheegaysa in Janan, Senoter Fartaag iyo mas’uuliyiinta kale oo Muqdisho ka tagey maalmo kahor ay dhinaca Kenya kasoo galeen Gedo, waxaana imaanshahooda Gobolka abuurtay xiisad culus.

Axmed Madoobe ayaa hadda xiriir fiican la leh Villa Somalia, maadaama RW Xamza oo maamulkiisa katirsanaan jiray uu Ra'iisul Wasaare ka yahay, isagoo ka rajeynaya inuu Gedo usoo celiyo.

Farmaajoa ayaa la sheegay inuu wali faraha kula jiro arrimaha Gedo, oo uu ka hurinayo dagaal, isagoo adeegsanaya Siyaasiyiin ay isku reer kasoo jeedaan, sida Janan iyo Fartaag, oo xilal ka waayay dowladda Xasan Sheekh.

Maamo kahor waxaa duleedka Doolow lagu dilay qarax Taliyihii qeybta NISA ee gobolka Bakaal Kooke, oo khilaaf xooggan kala dhaxeeyay gudoomoyaha Gedo Axmed Buulle Garaad. [Halkan ka akhri].

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.