Farmaajo oo billaabey ololaha ansixinta Wasiiradda

Wasiiradda cusub ayaa ina ka badan 50% laga keenay Xukuumaddii Khayre, iyadoo lagu soo diray wajiyo cusub, oo u badan kuwa katirsan kooxda Ololaha doorashadda Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo billaabey ololaha ansixinta Wasiiradda

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa daqiiqadda kadib markii lagu dhawaaqay Gollaha Wasiiradda xalay so saarey war-safaaxadeed uu fariin ugu dirayo Gollaha Shacabka, oo Xildhibaanada ka codsaday inay ansixiyaan Xukuumadda RW Rooble.

Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda, si loo dardar geliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla, loona gaarsiiyo dalka doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

Rooble ayaa la sheegay in mudo bil ah ka shaqeynayay soo xulista shaqsiyaad calan-wadiyaal ah, oo taabacsan Farmaajo iyo fekerkiisa, islamarkaana qeyb ka noqdo ololaha dib u doorashadiisa 2020-21 oo Musharax u yahay kursiga mar labaad.

Waxaa laga reebay Gollaha Cabdullaahi Goodax Barre, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Maxamed Abuukar Islow, Sabriye iyo Sadiiq Xersi Warfaa, waxaana boosaskoodda loo daayay Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Beyle, Cawad iyo Caafimaadka Fowsiyo Abiikar.

Waa Xukuumad ka kooban 70 xubin, 27 Wasiir, 26 ku-xigeenka 17 wasiiru dowle. Wasiirka Cadaaladda waxaa loo magaceebey nin horey uga mid ahaan jiray Kooxda Al-Shabaab C/qaadir Maxamed Nuur [Jaamac].

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.