Farmaajo oo codsi u diray Musharixiinta Mucaaradka

Dalabkan ayuu u mariyay Qoor-Qoor iyo Guudlaawe oo Villa Somalia uga wakiil ah dhex-dhexaadinta Musharixiinta Hawiye.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo codsi u diray Musharixiinta Mucaaradka

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda doonaya inuu ku dhaqaaqo arin uu mudo 6 bilood ah ka diidanaa Musharixiinta Mucaaradka.

Sida Keydmedia Online wararka ku helayso, Farmaajo ayaa Qoor-Qoor iyo Guudlaawe u diray Musharixiinta oo saacadaha oo socda la filayo inay kulan guud iyo mid gaar ah la qaataan, iyagoo sameynaya dhexdhexaadin.

Farmaajo ayaa doonaya inuu la kulmo Musharixiinta Mucaaradka kadib markii muddo-kordhinta loo sameeyay, iyadoo ay muuqato in tallaabadan ay tahay mid uu ku doonayo inuu isaga dejiyo culeyska kasoo wajahay Beesha Caalamka.

Horey ayuu muddo lix bilood ah ka diidayay Farmaajo in Musharixiinta qeyb ka noqdaan wadahadallada arrimaha doorashooyinka, kuwaasoo fashil kusoo dhamaaday dhawaan, waxaana hadda lagu cadaadinayaa Farmaajo inuu dib ugu laabto Miiska wadahadalka.

Lama oga inay Musharixiinta aqbali doonaan iyo inkale dalabka Farmaajo uga yimid, iyagoo horey u shaaciyay mowqifkooda inay kasoo horjeedaan muddo-kordhinta sharci darrada ee uu sameeyay 12-kii bishan Gollaha Shacabka.

Maanta Farmaajo wuxuu la kulmay Beesha Caalamka, iyadoo lagu qasabayo inuu ka laabto muddo-kordhinta labada sano, islamarkaana uu ugu yaraan 4 bilood oo farsamo ku darsado inta doorashadda laga qabanayo, waxaana lagu amray inuu awoodda ku wareejiyo Rooble.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.