KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Madaxweynaha muddo xileedku ka dhamaaday ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa gaaray magaalada Kambaala ee Caasimadda Dalka Uganda.
KAMPALA, Uganda – Wafti uu hoggaaminayo Madaxweynaha waqtigii shaciga ahaa ka dhamaaday ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan ka degay dalka Uganda.
Farmaajo ayaa ka mid ah Madaxda lagu marti qaaday Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha markii lixaad oo isku xigta la doortay ee Dalka Uganda Yoweri Museveni, taas oo la filayo in ay birri ka dhacdo Caasimadda dalka Uganda,
Agaasimaha Warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta Madaxyooyada, Cabdirashiid Maxamed Xaashi, oo ka mid ah waftiga Farmaajo, ayaa sheegay in Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday uu kulamo la yeelan doono Madaxda kale ee ka socota waddamada Africa.
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Maxamed Xasan, Marwada Koowaad ee dalka Marwo Seynab Cabdi Macallim, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka mid ah waftiga gaaray Uganda.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.