Farmaajo oo khilaafka Kenya u adeegsanaya ololihiisa doorashadda

Senator katirsan Baarlamaanka Kenya ayaa ugu baaqey Farmaajo inuu xoogga saaro arrimaha gudaha Soomaaliya, oo uusan Kenya u isticmaalin ololaha dib u doorashadiisa.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo khilaafka Kenya u adeegsanaya ololihiisa doorashadda

WAJEER, Kenya - Senator Farxiya Cali Xaaji oo katiran Baarlamaanka Kenya ayaa sheegtay in Farmaajo uu u adeegsanayo xiisadda diblomaasiyadeed ee Kenya ololihiisa doorashadda.

"Ka shaqeey arrimaha gudaha dalkaaga, haku mashquulin arrimaha Kenya, hana ka dhigin olole doorasho," ayay tiri Farxiya, iyadoo hadalkeeda intaasi ku dartay in Kenya ay dhowrayso derisnimada Soomaaliya.

Waxay sheegtay in Kenya ay taageerayso dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu xasiliyo Soomalaiya, iyadoo Ciidamo usoo dirtay 2011, kuwaasoo qeyb ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Go'aanka ay Soomaaliya dib ugu yeertay safiirkeedii u fadhiyay Kenya iyo ceyrinta safiirka Kenya ee Muqdisho, ayaa soo jiitay cambaareyn ka timid qaybo ka mid ah hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ka soo jeeda waqooyiga bari ee Kenya.

Sidoo kale, Musharixiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa cambaareeyay, kuna tilmaamay inaysan xiligan habooneyn inuu Farmaajo ku mashquulo arrimo dibadda ah iyo colaad hurin, waxayna ku tilmaameen tallaabada uu qaadey mid siyaasadeysan oo doorashada ku galayo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.