Farmaajo oo kiiska badda ka dhigtay olole doorasho

Badda Soomaaliya si dhamestiran looguma soo celin, waxaana ka maqan ugu yaraan 12 mile oo ICJ u xukmisay Kenya.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo kiiska badda ka dhigtay olole doorasho

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo ayaa olole doorasho ka dhigtay kiiska badda oo dowladda ay dhameystirtay shaqo horey usoo qabteen Madaxdii hore - Sheekh Shariif iyo Xasan Sh.

Wuxuu Farmaajo isku soo koobay shaqadii sida wadajir ah loo soo qabtay, wuxuuna xafiiskiisa billaabay faafinta dacaayado baraha bulshadda oo lagu xayeesiinayo kaligii-taliska cusub.

Villa Somalia ayaa u dabaal degtay go'aankii ICJ, iyadoo aan si buuxda loo soo celin Baddii Soomaaliya ma maqnayd. Maxkamadda ayaa go'aamisay 92.5%, halka inta kale Kenya siiysay.

Waxay sidoo kale Maxkamadda ICJ go'aamisay in la qalloociyo xariidii toosnayd ee badda, waxaana dhul badeedkii lagu mursansanaa ka heshay qeyb fiican oo shidaal uu ku jiro.

Kenya ayaa heshiis si iskeeda ah ula gashay Tanzania ku waysay dhul badeed gaaraya 25,000 oo KM, waxaana halkaasi kasoo wajahay ciriiri, iyadoo codsatay in qeyb laga siiyo badda Soomaaliya.

Kooxdii mateshay Soomaaliya ayaa Maanta dib ugu laabtay Muqdisho, waxayna xafiiskiisa si toos ah ugu tageen Farmaajo, oo isku soo sawiray kahor inta aysan Rooble aadin.

Sheegashada guusha badda ayaa noqotay mid olole ka dhigtaan Madaxda dalka, oo ugu horeeyo Farmaajo, oo musharax ah, islamarkaana raadinaya dib u doorasho sanadkan.

Kenya ayaa horey u sheegtay inaysan u hogaansami doonin go'aanka ICJ, taasoo keentay walaac cusub oo ah cida ka qaadeysa badda ay xoogga ku haysato, maadaama Maxkamadda lahayn hay'ado u fuliyo go'aanada ay gaarto.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.