KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Waxuu ka qeybgali doonaa wajiga 2aad ee Shirka ku saabsan dhammeystirka wada-tashiga hannaanka geeddi socodka siyaasadeed, doorashadda lagu muransan yahay, amni iyo dhaqaale ee dalka.
DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.
Waxuu ka qeybgali doonaa wajiga 2aad ee Shirka ku saabsan dhammeystirka wada-tashiga hannaanka geeddi socodka siyaasadeed, doorashadda lagu muransan yahay, amni iyo dhaqaale ee dalka.
Madaxdu waxay ka arrinsan doonaan sidoo kale qodobbada uu khilaafka ka taagan yahay, gaar ahaan nooca doorashadda ee ka dhaci karta Soomaaliya October 2020, iyadoo Farmaajo uu ku adkaynayso mid qof iyo cod ah, oo aan suurtgal ahayn xiligan.
Madaxweynaha ayaa markii uu ka degay Dhuusamareeb kulan la yeeshay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, K/Xigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, Madaxweyneynaha Koonfur Cabdicasiis Xasan Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal iyo Ku-xigeennadiisa.
Farmaajo ayaa inta uusan u ambabaxay Dhuusamareeb khudbad kooban u jeediyay Gollaha Shacabka, isagoo u sheegay Xildhibaanada in heshiis kasta oo uu lasoo galo madaxa Maamullada kusoo celin doono Baarlamaanka, si uu u ansixiyo. [Halkan ka Daawo Video]
Khudbadda Madaxweynaha ayaa ka muuqatay mudo korarsi inuu damacsan yahay, isagoo ku yiri Xildhibaanada "go'aankaad gaartaan, baa dalka ka shaqeynaya".
Baarlamaanka 10aad waxaa uga hartay mudo xileedkiisa afarta sano 3 billodm halka Madaxweynaha iyo Xukuumadda ay daba-joogaan, oo waqtigooda dhacayo Febuary 2021.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.