Farmaajo oo lagu eedeeyay inuu iska indha-tirayo sharciga dalka

"Waxaa nasiib darro ah in Farmaajo wali uu ku adkaysanayo go'aankiisa qaldan, islamarkaana loo tababarayo Guddiyo sharci darro ah, oo loo diyaarinayo inay qabtaan doorasho ku saleysan boob iyo musuq maasuq," ayaa lagu yiri Qoraalka Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo lagu eedeeyay inuu iska indha-tirayo sharciga dalka

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa la kulmay siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka kasoo jeeda gobollada waqooyi, iyagoo kawada hadlay mowqifkooda ku aadan doorashooyinka Soomaaliya 2020-21.

Qoraal kulanka laga soo saarey ayaa lagu sheegay inaysan marti ka noqon doonin masiirkooda siyaasadeed iyo maamulka doorashada, iyagoo ku baaqey in la raaco hanaanka doorashadii 2016-kii, kaasoo u madax-baneynaya dadka kasoo jeeda Somaliland loo madax-baneeyo doorashadda Xildhibaannada ku matelaya Baarlamaanka.

Waxay ku eedeeyeen Farmaajo inuu boobay kuraasta Gobolada Waqooyi, kadib markii uu qortay shaqsiyaad dibadda ka keensaday, oo isaga taageersan kuwaasoo uu doonayo inay u codeeyaan doorashadda Febuary 2021.

"Waxaa nasiib darro ah in Farmaajo wali uu ku adkaysanayo go'aankiisa qaldan, islamarkaana loo tababarayo Guddiyo sharci darro ah, oo loo diyaarinayo inay qabtaan doorasho ku saleysan boob iyo musuq maasuq," ayaa lagu yiri Qoraalka Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi.

Wuxuu sheegay Cabdi Xaashi in Farmaajo yahay hogaamiye taladii dalka isku koobey, oo lasoo baxay dhaqan kaligii-talis ah, islamarkaana uusan doonaynin inuu qabto doorasho lagula tartamo oo xor iyo xalaal ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ay soo dhawaatay doorashadda abuuray khilaafyo siyaasadeed oo gudaha ah, isagoo dhanka kale abuuray xiisad diblomaasiyasadeed oo Soomaaliya iyo Kenya u dhaxaysa, taasoo uga danleeyahay inuu doorashadda dib ugu dhigo.

Qoraalka ay soo saareen Musharraxiinta Mucaaradka ayaa lagu sheegay inay ka digayaan dalka inuu galo qalalaase siyaasadeed iyo fowdo, waxayna sheegeen inuu Farmaajo qaado doono mas'uuliyadda dhibaato kasta oo dhacda.

Doorashadda ayaa dib uga dhacday jadwalkii lagu heeshiiyay 17-kii September ee ahaa in 1-da December dalka la billaabato, lana doorto Senator-kii ugu horeeyay ee Aqalka Sare. Lama oga goorta ay dhacayso doorasho, laakiin siyaasiyiinta iyo Musharaxiinta Mucaaradka ayaa qorsheynaya inay qabsadaan doorasho kale.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.