Farmaajo oo looga digay inuu fulin waayo Heshiiska Dhuusamareeb

Qodobada heshiiska waxaa ugu muhiisan in Doorashada dalka ay ku dhacdo waqtigii loogu tala-galay, islamarkaana la sameeyo gudi isku dhaf ah oo kasoo shaqeeyo nooca ay noqon karto.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo looga digay inuu fulin waayo Heshiiska Dhuusamareeb

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Xisbiyada Qaran, oo ay hogaamiyaan Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo gudoomiye u ah ayaa maanta war qoraal ah kasoo saartey heshiiskii xalay ay ku dhawaaqeen madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka kadib kulankoodii maalmaha qaatey ee ka dhacay Dhuusamareeb.

Waxay Madasha marka hore soo dhawaysay heshiiska, iyadoo si gaar ah tallaabo muhiim ah ugu tilmaantay qodobka ku saabsan in dhinacyada isku afgarteen in doorashadda waqtigeedii loogu talagalay inay ku dhacdo, iyadoo gudi loo magacaabayo nooca ay noqon karto.

Madasha ayaa dhinacyada ugu baaqday inay soo dedejiyaan dhismaha gudiga, maadaama waqti badan oo la lumiyo uusan harin, waxayna sheegtay in dalka uu gali karo firaaq dastuuri ah, hadii aan dhicin doorasho waqtigeeda lagu qabtay, islamarkaana heshisi lagu wada yahay dhamaan saamileyda siyaasadda.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu xusay in Madasha ay ka digayso in laga caga-jiido fulinta qodobada heshiiska Dhuusamareeb, kaasoo ah rajadii ugu dambeysay ee laga leeyahay in Soomaaliya looga bixiyo waqtigan kala-guurka ah, oo dalka uu wajahayo caqabado dhowr ah, sida amniga, Coronavirus-ka iyo fatahaaddo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ahmiyad badan siinin arrimaha doorashadda mudadii afarta sano ku dhaw ee xafiiska uu joogay, waxayna midaasi siyaasiyiinta ku micneeyeen mudo korarsi inuu ku doonayo, taasina ay tahay midaan la aqbali karin, oo dastuurkana ogolaanaynin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.