KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaadey ayaa isticmaalay xeelad uu ku fashilmay, oo ahayd inuu ka dhaadhiciyo Beesha Caalamka inay Deni iyo Axmed Madoobe qaswadiyaal yihiin.
MUQDISHO, Soomaaliya - Puntland ayaa sheegtay inay ugu baaqeyso Farmaajo inuu dib ugu soo laabto Miiska Wadahadalka ee Afisyooni, si halkeeda looga sii wado kulanka ajandaha loogu diyaarinayo shirka Wadatashiga doorashadda.
Afhayeenka Madaxtooyadda Puntland Jaamac Deperani ayaa qoraal uu Facebook soo dhigay ku yiri: "Waxaan ugu baaqeynaa Farmaajo inuu gogosha kusoo laabto oo uusan fashilin Shirka Afisyooni, annagu wali gogasha ayaan fadhinaa, wadahadalka ha fashilin ee kusoo laabo mudane Miiska wadahadalka".
Baaqa Puntland ayaa u muuqda mid ay isaga leexinayso eedii loo jeediyay Deni ee isaga iyo Axmed Madoobe ay dowladda ku tilmaantay "jid iyo jiho diid" madax-furasho u heysta masiiska umadda, islamarkaana caqabad ku noqday wadahadallada doorashadda.
Deni iyo Axmed Madoobe oo aan ka bixi karin Muqdisho kadib markii Mareykanka bishii lasoo dhaafay ku amray inay joogaan inta heshiis laga gaarayo, ayaa mudo hal bil ah ku jira xerada Xalane, iyagoo dhowr sharuuf hor-dhigay Farmaajo markii ay kulmeen todobaadkii tagey.
Waxay ka dalbadeen Farmaajo inuu xilka Madaxweynaha wareejiyo, in xilalka laga qaado taliyeyaasha Militeriga, Booliska iyo NISA, sidoo kalena arrimaha maamulka doorashadda olagu wareejiyo Rooble oo xukuumadiisa xil-gaarsiin ahaan ku shaqeynaysa.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.