Farmaajo oo magacaabey la-taliyihiisa arrimaha doorashooyinka

Magacaabista ayaa kusoo beegmaysa xili ay dalka ka taagan tahay xiisad siyaasadeed, oo ka dhalatay xilka-qaadistii Kheyre iyo arrimaha doorashooyinka dalka, oo shaki laga muujinayo qabsoomidooda.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo magacaabey la-taliyihiisa arrimaha doorashooyinka

MUQDISHO, Soomaaliya - Wuxuu Farmaajo Maanta oo Khamiis ah magacaabey ta-taliyihiisa arrimaha doorashooyinka qaranka, kaasoo uu ka dhigay nin iska leh Idaacad maxali ah oo ku taalla magaaladda Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Cabdi Cali Raage ayaa noqonaya la-taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca doorashooyinka, waxaana magacaabistiisa ay kusoo aadaysa xili saamileyda siyaasadda isku khilaafsan yihiin qabsoomida doorashadda, iyadoo Maamullada iyo Mucaaradka ku baaqeen in waqtigeedii lagu qabto, lagana dhigo mid dadban oo 4.5 ku salaysan.

Ninka la magacaabey waxaa la sheegay inuu kamid ahaa aas-aasiyaashii Maamulka Axmed Madoobe, isagoo mudooyinkii dambe katirsanaa Golaha Isbadal-Doonka Jubaland, ee fadhigiisu yahay magaaladda Kismaayo.

Farmaajo waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu xilalka sare ee Dawladda u magacaabo shaqsiyaad kasoo jeeda beeshiisa Mareexaan, iyadoo arintaasi ay kamid tahay astaamaha kaligii-taliskii hore Maxamed Siyaad Barre.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.