KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Wadada uu ku socdo Farmaajo dhamaadkeeda waa dagaal, hadii aan la daba-qaban oo xaaladda doorashadda sida ay tahay laga bedelin.
MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo ayaa markale Soomaaliya geliyay khatar horseedaysa dagaal sokeeye oo ka dhasha doorashadda socoto, oo mucaaradka ay qaadaceen.
Natiijo doorasho oo lagu murmay waxay keenaysaa in hub aruursi billowdo, oo difaacyo laga qoto Muqdisho markale, oo kadibna uu dhaco dagaal Farmaajo looga saarayo Villa Somalia.
April 2021, Muqdisho waxaa la dhacay dagaal, xaalad khatar ah geliyay dalka, kaasoo hadii aan la daba-qaban lahayn, oo Rooble usoo bixin lagu riiqmi lahaa, dad badana dhiman lahaa.
Musharixiinta Mucaaradka ayaa Maanta oo saarey qoraal ay ku sheegeen inay diidan yihiin doorashadda qaabka lagu wado, islamarkaana aysan aqbali doonin natiijada kasoo baxda.
Farmaajo ayaa markii uu dhamaadey mudo-xileedkiisa ku fekeray afgembi dadban, oo laga diiday, waxaana uu wareejiyay maamulkii doorashadda, balse hadda uu faragelin ku hayo.
Kuraasta hadda lagu doortey maamulada qaar waxaa kusoo baxay Musharixiinta la hubo inay Farmaajo u codeyn doonaan iyo kuwa dembi dalka iyo dadka ka galay, sida Yasin Farey.
Musharixiinta ayaa Muqdisho ka wada dhaq-dhaqaaqyo iyo shirar ay uga arinsanayaan tallaabo ay qaadi doonaan, mar hadii la afduubey doorashaddii ay sugayeen, oo jidka laga leexiyay.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad ula fajacsan hanaanka doorashadda iyo sida ay u dhaqmayaan Madaxda maamullada ee kuraastii Gollaha Shacabka ka dhigtay kuwa ay leeyihiin.
Masiirkii umadda ayaa meesha la baxay, waxaana sii dhimanaysa rajadii laga qabey dib usoo kabashadda dowladnimada Soomaaliya, oo MD hore Farmaajo ceel dheer ku riday.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.