Farmaajo oo markii ugu horreysay ka hadlay kiiska Ikraan

Magacaabiddaan oo u muuqata mid lagu marin habaabinayo kiiska Ikraan, oo la rumeysan yahay in Farmaajo uusan dhexdhexaad ka ahayn, ayaa lagu sheegay in xubnaha la magacabay looga baahan yahay in ay howsha loo diray u gutaan si xilkasnimo leh.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo markii ugu horreysay ka hadlay kiiska Ikraan

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii muddadu ka dhamatay ee Soomaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa markii ugu horreysay ku dhawaad saddex bilood ka hadlay Kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ku maqan gacana hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka.

Waraaq ka soo baxaday Xaafiiska Farmaajo, ayaa lagu magacabay wax loogu yeeray (Guddi Qaran)  oo ay hoggaaminayaan Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Magacaabiddaan oo u muuqata mid lagu marin habaabinayo kiiska Ikraan, oo la rumeysan yahay in Farmaajo uusan dhexdhexaad ka ahayn, ayaa lagu sheegay in xubnaha la magacabay looga baahan yahay in ay howsha loo diray u gutaan si xilkasnimo leh.

Farmaajo ayaa magacaabay labo xubnood oo ka mid ah guddigan oo ka kooban shan qof, sida lagu sheegay waraaqda xubin ka mid ah waxaa soo magacaabaya Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Xijaar, xubin kalana waxaa soo magacaabaya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Odawaa, halka xubinta xubin 5aad uu soo magacaabayo Taliyaha NISA.

Farmaajo, wuxuu taliyayaasha soo magacaabaya xubnaha ku daray Yaasiin Farey oo dhawaan qaab fowdo ah uu ugu magacaabay Taliyaha Hey'adda Nabad-Sugidda & Sirdoonka Qaranka, taas ayaana bannaanka keeneysa in uusan diyaar u ahayn baaris rasmi ah oo lagu sameeyo kiiska Ikraan.

Dadka u dhuun-duleela siyaasadda iyo barista kiisaska ceynkaan ah, ayaa sheegaya in Farmaajo, qaaday tallaabadii ugu danbeysay oo uu ku daboolayo arrinta Ikran, waxana layaab lagu tilmaamay inuu u gees ordo dacwada kiiskaan oo hore loogu gudbiyay Maxkamadda, isla-markana Xeer Ilaalinta Maxkamadda CQS ay qoyska gabadha ka qabatay dacwada ay soo gudbiyeen.

Ku dhawaad labaatan kiis oo waaweyn ayaa guddi loo saaray tan iyo markii u xaafiiska Madaxweynaa yimid Farmaajo, mana jiro wax ka soo naasa-caddaada guddiyadaas.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.