Farmaajo oo raadinaya xalka dhibaato uu qeyb ka yahay

Maamulka Farmaajo ayaa noqday midkii ugu musuq-maasuqa badnaa ee soo maraya Soomaaliya mudo tobanaan sano ah.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo raadinaya xalka dhibaato uu qeyb ka yahay

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaadey ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qaadey tallaabo uu olole doorasho ka dhiganaya maadaama uu raadinaya mar labaad xilka ugu sareeya dalka.

Wuxuu daah-furay gudiga la dagaalanka musuq-maasuq, isagoo sidoo kale Maanta oo ku beegan 14-ka August u aqoonsadey maalin la dagaalanka Musuq-maasuqa Soomaaliya.

"MD Farmaajo ayaa u asteeyey 14-ka bisha Ogoosto Maalinta La dagaallanka Musuq-maasuqa ee Soomaaliya, Si loo xoojiyo dadaallada ciribtirka Musuq-Maasuqa, loogana miro dhalliyo hiigsiga Qaran ee ku aaddan dal daahfuran oo ku tilmaaman Maamul-wanaag," ayaa lagu yiri qoraal Villa Somalia soo saartay.

Musuq-maasuqa Soomaaliya heerkii ugu hooseysay ayuu gaarey mudadii uu Farmaajo Madaxweynaha ka ahaa dalka, iyadoo xilalka dowladda ugu muhiimsan u magacaabey dad kasoo jeeda Beesha uu ka dhashay.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa ka aamin-baxay maamulka Farmaajo, oo ku caanbaxay qabyaaladda, nin-jeclaysiga, caburinta saxaafadda madaxa-banaan iyo siyaasiyiinta ka fekerka duwan, waxaana ku maqan kumanaan dhalinyaro ah oo loo diray dagaalka Itoobiya.

Farmaajo waxuu sidoo kale isku dayay inuu dalka afgembi ku qabsado, kadib markii uu mudo-kordhin labo sano sameystay April 2021, iyadoo aan ogoleyna dastuurka iyo sharciga dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.