KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Hoggaanka waqtigiisu dhamaaday, ayaa xilligan qorsheynaya inuu carqaladeeyo, qorshaha uu Rooble ku saxayo doorashadda boobka ku sifawday.
MUQDISHO, Soomaaliya - Dadka Caasimadda Soomaaliya ku nool ayaa dhibane u noqdey Farmaajo, oo shantii sano ee Villa Somalia joogey u maleegayay shirqoolle dilal iyo qaraxyo isagu jira, oo kumanaan ay ku dhinteen.
Koox gaar ah oo horey uga soo goostay Al-Shabaab, oo Fahad ku daray NISA, oo ruuxaanta loo yaqaano ayuu Farmaajo u adeegsadaa dilalka qorsheysan ee lagu khaarijiyo shaqsiyaadka aan hubeysnayn ee kasoo horjeestay siyaasadiisa.
Shaqsiyaad muhiim ah, oo Jeneraallo Ciidan oo Galaal uu kamid yahay iyo siyaasiyiin ayaa siyaabo kala duwan Muqdisho loogu dilay, iyadoo Al-Shabaab lacag lagu siiyay inay sheegato dilalka iyo qaraxyada, si aan shacabka u galin shaki dhanka Villa Somalia.
Tan iyo markii uu Farmaajo caddaadiska kala kulmay Rooble, waxaa isa soo tarayey weerarada qaraxyada iyo dilalka, ka dhacaya gudaha gobolka banaadir, waxaana qaraxii ugu danbeeyey uu xalay ka dhacay agagaarka Ex kontorool Afgooye, halkaas ay ku geeriyoodeen labbo qof.
Farmaajo ayaa qorshahan uga dan leh, inuu marxaladda dalka u yeelo waji kale, si loo hakiyo dadaalada dib loogu saxayo qaladaadkii uu ka galay nidaamka dowladnimo ee dalka.
Sida Keydmedia Online ay xog ku heshay, waxaa hoggaanka waqtigiisu dhamaaday, arrintan la qorsheeyey Fahad Yaasiin, kaas oo qoray rag labba shaatilayaal ah, oo dowladda iyo Shabaabka la shaqeeya, waxaana sidoo kale dadka fududeynaya falalkan laga xusi karaa, Yasiin Fareey, Farxaan Qaroole iyo Biixi.
Wasiirka amniga iyo midka gaashaandhigga, ayaa iyagana ku howlan, habkii ay uga hortagi lahaayeen, dhibaatada uu maleegayo ninka sharci darrada ugu fadhiya kursiga dalka ugu sareeya, waxaana la filayaa in ay isbaddel ku sameeyaan arrimaha ciidanka iyo amniga Caasimadda.
Farmaajo ayaa noqday nin ay ka suurtowdo, fulinta qorshe walba oo kursiga ku sii heynaya, waana arrin bidhaamineysa inuusan cidna u tureynin, oo uu doonayo in dalka lagu kala tago, dibna loogu laabto bur burka laga soo kabanayo.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.