Farmaajo oo sii xumeeyay xiriirka Jabuuti iyo Soomaaliya

Madaxweynaha muddo xileedku ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qaaday tallaabadii ugu danbeysay ee uu ku sii xumeynayo xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo sii xumeeyay xiriirka Jabuuti iyo Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya – Tan iyo markii la doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu hoos u dhigay xiriirkii xoogganaa ee ka dheexayay Soomaaliya iyo Jabuuti, kaas oo salka ku hayay wada-dhalasho ka timid Qowmiyadda Soomaali weyn, wuxuuna calaaqaad buuran la yeeshay dalka Eritrea oo ay cadaawad xudduuda la xariirta kala dhaxeyso Jabuuti.

Farmaajo, wuxuu saacado ka hor ka yimid caasimadda dalka Uganda ee Kampala, halkaas oo uu uga soo qeyb galay caleema-saarka Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, wuxuuse ka baaqsaday ka qeyb galka caleema-saarka, Cismaaciil Cumar Geelle, oo dhawaan mar kale ku guuleystay xilka Madaxweynaha Jabuuti.

Dowladda Farmaajo ayaa dhowr jeer oo kala duwan hadallo xanaf leh, hawada u marsiisay, dalka Jabuuti, Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Dubbe, ayaana weerar afka ah ku qaaday madaxda dalkaas dhowr mar oo hore.

Dalka Jabuuti wuxuu ka mid yahay waddamada ay ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM, ka joogaan Soomaaliya, waxaana ciidamadaas Jabuuti ka socda shacabka Soomaaliyeed ugu yeereen “Hiil Qaran” oo ay ula jeedaan Soomaali kale oo soo gurmatay.

Farmaajo, intii uu talada hayay wuxuu geeska galiyay inta badan waddamadii Soomaaliya saaxiibka la ahaa, sida Jabuuti, Kenya, Masar, Sacuudiga, Imaaraadka iyo Baxreyn, wuxuuna xiriir aan la mahadin la sameystay dalalka Qatar, Itoobiya iyo Eritrea.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.