Farmaajo oo soo macasalaameyn doona Abiy iyo Afwerki

Wafti uu hoggaaminayo, Farmaajo, ayaaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyaga oo sii jeeda Addis Ababa, oo uu ka dhacayo caano-ku-shubka RW Abiy Axmed.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo soo macasalaameyn doona Abiy iyo Afwerki

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii muddadu ka dhamaatay todobo bilood ka hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa saaka u ambabaxay magaalada Addis Ababa, ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeyb galayo caleema-saarka Ra’iisul Wasaraha Itoobiya Abiy Axmed, oo doorasho muran badan dhalisay ku guuleystay bishii Juun.

Farmaajo oo aan dalka ka bixin tan iyo bishii April 2020, oo ahayd xilli ay u caddaatay in uusan xoog iyo xeelad toona Madaxweyne kaga sii ahaan karin Soomaaliya, ayaa la rumeysan yahay inuu socdaalkiisu yahay macasalaamo, isla-markaana uu gacan-qaadkii ugu danbeeyay ugu tagayo Abiy iyo Afwerki oo ah raga jidka qadlan kacta u saaray, kadib markii lagu aaminay hoggaanka Soomaaliya billowgii 2017.

Kadib booqashada Addis, Farmaajo, wuxuu gaari doonaa Asmara, halkaas oo uu ku sugan yahay kali-taliyaha ugu mayalka adag, Geeska Africa ee Isaias Afwerki, oo billowgii 2018, hindisay figradda is-kaashiga ee Gobolka Geeska Afrika, kaas oo u hirgali waayay sidii loo qorsheeyay.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Isaias Afwerki, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa bartamihii sanadkii 2018, dhidibada u taagay wax ay ugu yeereen is-kaashi, aan baannanka la soo dhigin runtiisa, kaas oo ay hareynayeen arrimo badan oo mugdi  ku jiro.

Dadka u dhuun duleeyay heshiskaan Saddex geesoodka ah, ayaa hore u sheegay in u jeedku ahaa in Soomaaliya iyo Itoobiya qaadaan jidka Eritrea, hayeeshee, Farmaajo, middaas waa hir-galin wayay, inkasto Abiy Axmed uu ku soo laabtay qori caaraddiis.

Eritrea, waxa ay ku laabatay godkii ay ku jiratay, waxa ayna indhaha ka daawaneysaa waxa ka socda Soomaaliya iyo Itoobiya, oo sida muuqata Madaxduudu isku dayeen in ay qaataan talo uu soo siiyay Isaias Afwerki, oo ah in ay kuraasta xoog iyo xeeladba xajistaan.

Is-dhexgalka oo markii horaba magac qaladan watay, wuxuu u muuqdaa mid aan mira dhalin oo u jeedkii laga lahaa aan laga helin, ugu danbeynna Farmaajo, wuxuu soo macasalaameyn doonaa Kooxda qaladday ee qarka ka tuurtay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.