Farmaajo oo u safray Jabuuti

Madaxweynaha ayaa Madaxda dalalka IGAD hor dhigi doona dacwada DF ee faragelinta Kenya taasoo ay u gubisay Ra'iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Hamdok oo ah gudoomiyaha Ururka.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo u safray Jabuuti

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa Maanta ka dhoofay dalka, isagoo kusii jeeda Jabuuti, oo berri ka furmi doono Shir IGAD ka yeelanayso xiisadda diblomaasiyasadeed ee Kenya iyo Soomaaliya.

Farmaajo ayaa la filayaa inuu madasha shirka geeyo dacwad ay dowladdiisa ka gubisay dhawaan Kenya, oo ay ku eedeysay faragelin joogto ah arrimaheeda gudaha, gaar ahaan Jubbaland.

IGAD ayaan la ogeyn go'aanka ay kasoo saari doonto xiisadda labada dal, oo gaartay meeshii ugu hooseysay kadib markii dowladda Farmaajo u yeertay Safiirkeeda Nairobi, iyadoo diblomaasiyiinta Kenya lagu amray inay uga baxaan Muqdisho 7 maalmood.

Kenya ayaa kamid ah dalalka Ciidanka ka jooga Soomaaliya, kuwaasoo dowladda ka caawiya dhanka amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab oo mudo 10 sano uga adkaan la'yihiin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.