KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Qaar ka mid ah Ciidamadii Badbaado Qaran ayaa la sheegayaa in dib ugu soo laabteen Caasimadda, halka sare u kaca kala iibsashada hubka aad looga dareemayo Muqdiho.
MUQDISHO, Soomaaliya – Xogo ay heshay Keydmedia Online, ayaa sheegaya in Kooxda Farmaajo oo uu walwal xooggan ku abuuray sare u kaca kala iibsiga hubka ee magaalada Muqdisho, ay cabsho arrinkaas la xariira u gudbiyeen Taliya Booliska Soomaaliya.
Todobaadkaan, waxaa caasimadda laga dareemay sare ku kicii ugu weynaa ee kala beecsashada hubka nuucyadiisa kala duwan, tan iyo bishii April ee sanadkaan, markaas oo magaalada ay ka dhaceen dagaallo looga hortagay muddo kodhintii Farmaajo.
Dhashiikaha, PKM, RPG ama Sabanka iyo Qoriga AK47, oo ay wehliyaan bastoolado, ayaa maalmahan si weyn suuq u lahaa, waana sababta ay Fahad iyo Farmaajo, u codsadeen inuu arrinkaas ka hor tago Taliye Xijaar.
Dhanka kale, warar lagu kalsoonaan karo, ayaa sheegaya in dhamaan Siyaasiyiinta Mucaaradka ay laba jibbaareen ilaaladooda, isla-markaana ay muujinayaan dhiirfoonan amni.
Sidoo kale warar soo gaaray xaafiiska warqabadka KON, ayaa sheegay in qeyb ka mid ah saraakiishii hoggaaminayay Ciidamada Badbaado Qaran ay ku howllan yihiin in ay dib isugu aruuriyaan ciidamada.
Tan iyo markii uu dalka dib ugu soo laabtay eedeysane Fahad Yaasiin, waxaa caasimadda laga dareemayaa abuubul ciidan oo dhan kasta ah, waxaana laga cabsi qabaa in maalmahaan ay isku dhacyo ciidan ka billowdaan Muqdisho.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.