Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjirayaal cusub

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Ururka Jaamacadda Carabta , Salaax Axmed Juneyd iyo Danjiraha dalka Switzerland Valentin Zellweger.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjirayaal cusub

MUQDISHO, Soomaaliya -  “Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Salaax Axmed Juneyd ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Guddoomiyaha Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-Qayd, isagoo uga mahadceliyey Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran” . ayaa lagu qoray Facebook-ga ku hadla afka dowladda.

“Sido kale, Danjiraha dalka Switzerland Mudane Valentin Zellweger ayaa u gudbiyey Madaxweynaha dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Guy Parmelin, oo ku saabsanaa in dalkaasi uu saaxiib dhaw la yahay shacabka Soomaaliyeed, xiriir soo jireen ahna uu kala dhexeeyo”. Ayaa sidoo kale lagu yiri warka kasoo baxay dowladda.

Siyaasadda arimaha dibadda Dowladda Soomaaliya ayaa gabi-dhacleyneysa tan iyo  markii Farmaajo loo dooratay Madaxweynaha wadanka, waxaana tan iyo markaas xumaaday oo meel xun gaaray xiriirkii soo jireenka ahaa ee wadanka kala dhexeeyay dalal ay ka mid yihiin, Imaaraadka, Sucuudiga iyo Canada, hala si toos ah xiriirka loogu jaray dalka Kenya.

Wixii ka danbeeyay 8-di Feebaraayo 2017, Farmaajo ayaa xulafo siyaasadeed la sameytay Eritrea iyo Ethiopia siyaasadda arimaha dibadda, wuxuuna gaabis galiyay xiriirka wadamo kale oo Jabuuti ka mid tahay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.