Farmaajo oo xaalka ku xunyahay

Wararka waxay sheegeen inuu Farmaajo dib ugu laabanayo Teendhada Afisyooni, si uu wadahadallo ula galo maamullada iyo Mucaaradka.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo xaalka ku xunyahay

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib markii Ciidamo taabacsan ay shalay illaa Xalay ay la wareegeen Xaafado muhiim ah oo ku dhaw Madaxtooyadda, Farmaajo ayaa soo wajahday xaalad casbi leh.

Saakay waxaa Muqdisho inta badan gacanta ku haya Mucaaradka, oo difaacyo ka sameystay hareeraha wadada Makka Al-Mukarama, Sayidka iyo nawaaxiga Garoonka diyaaradaha, waxaana gaabis ah maanta isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Afarta dhinac Madaxtooyadda waxaa fadhiya Ciidanka taabacsan Musharixiinta Mucaaradka, iyadoo aan jirin dhaq-dhaqaaq ay sameynayaan askarta Haram-Cad iyo Gorgor oo kasoo bixi waayay saakay saldhigyadooda.

Farmaajo ayaa lagu soo waramayaa inuu u baqayo naftiisa isaga iyo Fahad Yaasiin, waxaana suurtagal ah in hadii uu dhaco dagaal kale inay isaga cararaan Villa Somalia, oo amaankeeda khatar ku jiro hadda.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in Farmaajo uu ku laabanayo Afisyooni, si uu wadahadallo ula galo Musharixiinta mucaaradka iyo Maamul Goboleedyada, waxaana socda dedaallo ku saabsan qabashada shirka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.