Farmaajo oo Xagaldaacin ku Haya Shirka Golaha Wasiiradda

Shirkii joogtada ahaa ee Golaha Wasiiradda oo maanta ku dhamaaday ismarinwaa kadib doodii ajandaha wixii ay xukuumaddu ka yeeli laheyd kal-fadhiga 3-aad ee shirka Dhuusamareeb uga farmaya Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka maalinta Sabtida ee 15-ka bishan. 

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo Xagaldaacin ku Haya Shirka Golaha Wasiiradda

Shirkii Golaha Wasiiradda ayaa maanta qaatay wakhti fara badan halkaa oo looga hadlay ajandeyaal uu ka mid ahaa sida Xukuumaddu ay ka yeeli laheyd Shirka loo ballansan yahay maalinta Sabtida ee caasimadda Galmudug, Dhuusamareeb.

Ilo ay Keydmedia Online ka heshay Madaxtooyadda Soomaaliya, oo aan dooneyn in la magacdhabo, ayaa inoo xaqiijiyay in go'aan toos ah aysan wali ka qaadan xukuumadda sida loo wajihi lahaa shirka iyo waxa laga yeeli doono arrinta mudo-kororsiga ee Madaxweyne Farmaajo uu maagan yahay ay ka soo baxdo shirka Dhuusamareeb.

Wasiiro dhowr ah ayaa ka biyo diiday in arrinta mudo-kororsiga aysan aheyn mid looga fadhiyo Xukuumadda, halka kuwa kale ay yiraahdeen waa lamahuraan. 

Dad badan oo falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa u arka in arrintan ay dibudhac galisay magacaabistii Ra'isul Wasaaraha cusub maadaama aan la ogeyn waxa ka soo bixi kara shirka Dhuusamareeb, oo si gaar ah indhaha ugu hayaan Beesha Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed.  

Safaaradda Mareykanka ayaa maanta barteeda Twitter-ka mar kale ku sheegtay in aysan jiri doonin wax la yiraahdo "mudo-kororsi" taas oo bishii hore ay ka soo saartay war-saxaafadeed. 

Siyaasiyiin xog-ogaal ah oo ku dhow Xukuumadda Farmaajo ayaa tilmaamay in ay adag tahay in la iswaafajiyo hanka madaxweynaha ee ku aaddan mudo-kororsiga iyo waxa suuragalka ah ee ka soo bixi kara shirka Dhuusamareeb iyo tanaasulka ay shacabka Soomaaiyeed uga fadhiyaan siyaasiyiinta Soomaalida. 

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi 'Qoorqoor' ayaa maanta dib ugu laabtay magaaladda Dhuusamareeb, kadib safar caafimaad oo uu ku tagay dalka Turkiga.

Mar uu la hadlay saxaafadda inta uusan ka soo bixin Turkiga ayuu ku nuuxnuuxsaday in gogoshii Galmudug ay wali sidii u fidsan tahay, isla markaana uu filayo in ay ka soo qeybgalaan madaxda iyo gudigii farsamo ee ka socday xukuumadda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah. 

Wixii soo kordha, kala soco Keydmedia Online. 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.