Farmaajo wuxuu ka tagay taageerayaal doorsoon

Dhawaan waxaa si weyn loo faafiyay muuqaallo, laga duubay, TiK-ToK, Club House iyo Twitter Spaces, kuwaas oo taageerayaasha Farmaajo, ku baaqayaan in dab la qabadsiiyo suuqyada Muqdisho iyo isbitaallada, lagana shaqeeyo falal amni darro sida Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo wuxuu ka tagay taageerayaal doorsoon

MUQDISHO, Soomaaliya – Sara-u-kaca isticmaalka baraha bulshada, Soomaaliya waxa ay ku yeelatay saameyn wajiyo kala duwan leh, waxaana inta sida togan kaga faa’iideysata ka badan inta uu sida tab u wax-yeelleeyo, gaar ahaan dhallinyarada da’yarta ah.

Shantii sano ee la soo dhaafay, Soomaaliya isticmaalka baraha bulshada wuxuu gaaray, halkii ugu sarreeyay, taasoo sababtay in siyaasiyiin in dad dano gaar ah leh waqti galiyaan, ka kalluumeysiga aaladaha Social Media-ha, si ay u helaan dad mabaadii ahaan raacsan.

Kooxda hadda xilka wareejineysa ee Farmaajo hoggaamiyo, ayaa la rumeysan yahay in ay yihiin, kooxda waqtiga ugu badan iyo qarashka ugu badan galisay baraha bulshada, isla-markaan biil xooggan sii jirtay shaqsiyaad caan ah, si ay u marin habaabiyaan bulshada.

Tallaabadaas, waxa ay sababtay in dhallinyaro badan ku daataan dabin, aysan aqoon, u jeeddada laga leeyahay oo ah Farmajizim, [Farmaajo jacayl] iyo in indho la’aan loo daba-joogo, koox siyaasadeed u taagan meel marinta danaheeda gaarka ah.

Dhallinyarada aan u dhuun-duleelin siyaasadda, oo markii horaba kooxdu xoogga saartay in ay soo dumato, ayaa hadda la soo baxay dhaqammo la yaab leh oo u eg, hab-dhaqanka Kooxda Al-Shabaab, kaasoo ah ku baaqidda rabshado iyo qaraxyo ka dhaca Muqdisho.

Dhallinyaradaas, waxaa hagaya, shaqsiyaad abaabulan oo Farmaajo ku heyb ah oo qabyaalad ku garab taagan iyo kuwo lacag lagu siiyo caayda siyaasiyiinta iyo qabiillada Soomaaliyeed, kuwaas oo tan iyo 15-kii bishaan ooyin iyo baroor ka wada baraha bulshada.

Ooyinta iyo baroorashada beenta ah ee la maal-galiyay, loona adeegsaday shaqsiyaad caan ah, waxa ay haadaan ka tuureen dhallinyaro badan oo qiira-jabbaanka iyo illanta Yaxaaska mooda run, kuwaas oo baraha bulshada ka billaabay dhaqan argagaxiso.

Dhawaan waxaa si weyn loo faafiyay muuqaallo, laga duubay, TiK-ToK, Club House iyo Twitter Spaces, kuwaas oo taageerayaasha Farmaajo, ku baaqayaan in dab la qabadsiiyo suuqyada Muqdisho iyo isbitaallada, lagana shaqeeyo falal amni darro sida Al-Shabaab.

Taageerayaashaan oo si weyn looga faa’ssideystay, waxa ay ku doodayaan in kaliya Farmaajo waddanka hoggaamin karo, yeelkeede, doodahoodu kuma saleysna aragti siyaasadeed oo figrad kama heystaan xaaladaha siyasadeed ee dalka.

Farmaajo, kaliya kama tagin siyaasad wasaqeysan, ee xitaa wuxuu ka tagayaa, taageerayal aan maskaduudu fadhin, [CBB] – Cayayaanka Baraha Bulshada – kuwaas oo iyaga oo aan fahan ka heystan siyaadaada maankooda la dooriyay, haddana khatar ku ah dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.