Muuse Suudi: Farmaajow banneey Madaxtooyadda hadii kale…

Senator Muuse Suudi ayaa ugu baaqey Farmaajo inuu ka baxo Madaxtooyadda Soomaaliya maadaama uu waqtigiisa dhamaadey.

Warar Keydmedia Online
Muuse Suudi: Farmaajow banneey Madaxtooyadda hadii kale…

MUQDISHO, Soomaaliya - Senator Muuse Suudi ayaa sheegay in Farmaajo maadaama uu muddo-xileedkiisa dhamaadey laga doonayo inuu kursiga banneeyo, oo ka guuro Madaxtooyadda, si lamid ah Madaxdii isaga ka horeysay ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

Muuse Suudi oo kamid ah Madaxdii ka gadoodey Muddo-kororsiga sharci-darrada ayaa Ciidan badan ku haysta qeybo kamid ah Muqdisho, wuxuuna sheegay in hadii Farmaajo kursiga banneyn waayo uu dagaal lagama maarmaan noqon doono.

Wuxuu xusay in aysan u dulqaadan doonin Farmaajo uu kusii jiro Madaxtooyadda, wuxuuna ugu baaqey Rooble inuu doorkiisa ciyaaro, oo talada dalka si buuxda ugala wareego Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday.

"Wiilal qoriga ku qaatay 15 jir, oo 50 jir ku gaarey kuma aadaan kuwa loo bixiyay Mukulaal, Shimbir iyo Yaanyuur, waxaan ku leeyahay Farmaajow kursiga ka kac ama waxaad hayso soo deey," ayuu yiri Muuse.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Muuse Suudi ayaa tilmaamay in Farmaajo uusan ka sharaf iyo dadnimo fiicnayn Madaxdii hore ee Villa Somalia ka guurey markii uu waqtigooda dhamaadey, isagoo intaasi ku daray in Farmaajo aan laga rabin wax xil-wareejin ah, balse ay ka doonayaan inuu kursiga oo kaliya banneeyo.

Ugu dambeyntii, Muuse Suudi ayaa diiday in Ciidanka ka gadooday muddo-kordhinta aan dib ugu noqon doonin saldhigyadooda inta uu Farmaajo ku sugan yahay Madaxtooyadda, islamarkaana talada sii haysto.

Hadalka Muuse wuxuu kusoo beegmayaa xili ay Muqdisho ka socddaan dedaallo Ciidanka gadooday looga qaadayo goobaha ay ku sugan yihiin, laguna celin lahaa saldhigyadii ay katirsanaayeen, waxaana arintan ka shaqeynaya Rooble oo Sabtidii Farmaajo ku wareejiyay maamulka doorashadda iyo amaanka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.