Farxaan Qaroole oo aas-qaran loo sameeyay

Mas'uuliyiin kala duwan, oo Wasiirro iyo Xildhibaanno ay kamid yihiin ayaa ka qeybgalay aaska AUN Jen Farxaan Qaroole, oo shalay Qarax lagu qaarijiyay.

Warar Keydmedia Online
Farxaan Qaroole oo aas-qaran loo sameeyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Maanta Muqdisho, gaar ahaan Isbitaalka xarunta Ciidanka Haramcad oo ku taalla dhinaca galbeedka ka xigta Isbitaalka Madiina aas-qaran loogu sameeyay Jen Farqaan Qaroole, oo shalay subax lagu dilay nawaaxiga degaanka Basra, ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Maclin Fiqi, Taliyaha Booliska Jen Xijaar, Xildhibaanno uu ku jiro Yaasiin Fareey ayaa ka qeybgalay aaska, iyadoo goobta laga jeediyay hadallo aad loogu amaaney doorkii Farxaan ku lahaa la dagaalanka Al-Shabaab iyo sida naftiisa ugu huray difaaca dalka.

Salaadda Janaazadda waxaa loogu tukadey Masjid Madaxtooyadda ku yaalla, oo Xasan Sheekh iyo RW Xamza ay ka qeybgaleen, halkaasoo loogu duceeyay marxuumka.

Farxaan geeridiisa ayaa gilgishay Madaxda qaranka iyo shacabka, oo aan uga xanuunsaday, maadaama uu Jeneraalka ahaa shaqsi caan ah, oo ku dhiiran dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, islamarkaana uu sabab u ahaa badbaadinta nolosha dad badan oo hotel lagu weeraray.

Shalay subax ayaa afka ka tagey isagoo jiidda hore jooga, laakiin saameyntiisa iyo magacabiisa ayaa la rumeysan yahay inay jiri doonaan sanado badan. Dilkiisa waxaa sheegatay Al-Shabaab, oo dagaal dhinacyo badan hadda ku furan yahay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.