Farxaan Qaroole oo lagu dilay qarax ka dhacay Sh/dhexe

Farxaan wuxuu ahaa sarkaalkii ugu da’da yaraa ee gaara darajada ciidan ee Generaal ee Soomaaliya, waxuuna ahaa sarkaal da'yar oo aad u firfircoon dagaallo badanna la galay Kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo muddo khatar ku ah amniga Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Farxaan Qaroole oo lagu dilay qarax ka dhacay Sh/dhexe

BALACAD, Soomaaliya – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay Allaha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Gen. Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) oo ku sugnaa degaan hoos taga degmada Balcad.

Jeneraalka ayaa ka mid ahaa saraakiil hoggaamineysay howlgal saaka laga fuliyay degaanno dhowr ah oo ku yaalla Shabeellaha dhexe, kuwaasoo ay ugu muhiimsan tahay tuulada Basra oo Dowladda Soomaaliya sheegtay in ay ka xoreysay Kooxda Al-Shabaab.

Waxaa jira warar sheegaya in Farxaan Qaroole ay la geeriyoodeen saraakiil kale oo aan magacyadooda la xusin iyo ciidan isaga la socday, inkastoo aysan wali jirin faahfaahin dhameystiran oo ka soo baxday laamaha ammaanka Dowladda Federaalka.

Allaha u naxariistee Gen. Farxaan Maxamuud Aadan ( Qaroole), wuxuu hore u soo noqday Taliyaha gaarka ah ee Ciidanka Haramcad oo ka tirsan Booliska kuwaas oo Turkigu u tababaray la dagaallan Al-Shabaab, wuxuuna dhowr jeer ka badbaaday isku day dil.

Farxaan wuxuu ahaa sarkaalkii ugu da’da yaraa ee gaara darajada ciidan ee Generaal ee Soomaaliya, waxuuna ahaa sarkaal da'yar oo aad u firfircoon dagaallo badanna la galay Kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo muddo khatar ku ah amniga Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Farxaan wuxuu ku jiray saraakiil si dhow ula shaqayneysay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin intii ay xilalka hayeen, waxaana jira warbixiinno sheegayan inuu hore xubin uga ahaa Al-Shabaab ka hor inta uusan u soo wareegin dhanka Dowladda Federaalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.