KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam iyo wafdi ay hogaamineyso ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Beijing ee Caasimadda China, kadib martiqaad rasmi ah oo dowladda Soomaaliya ay ka heshay dowladda China.
H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa waxaa socdaalkeeda ku wehlinaya Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Mahdi Maxamuud Cali ,Wasiir kuxigeenka howlaha guud ,dib u dhiska,gaadiidka badda ,dekadaha iyo tamarta Nadiifa Maxamed Cismaan iyo Mas’uuliyiin kale, ayaa waxaa u qorsheysan inay la kulanto Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda China oo ay kala hadli doonto qaabkii loo xoojin lahaa iyo xiriirka wadaagga ah ee labada dal ka dhaxeeya.
Dowladaha Soomaaliya iyo China ayaa xiriirkooda bilowday muddo hadda laga joogo 500 sano , waxaana labada dal ka dhaxeeya xiriir ganacsi oo xoogan , iyadoo ganacsatada Soomaaliyeed ay la macaamilaan Ganacsatada wadankaasi.
Waxaa xusid mudan in dowladda China ay Soomaaliya ka fulisay qaran bur-burkii kahor mashaariic lagu dhisay wadooyin, garoomaha cayaaraha iyo isbitaalo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay horumarineysaa, ayna xoojineysaa xiriirka ganacsi iyo midka iskaashi ee kala dhaxeeya dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xi Jinping (Shii Jiin Biing) iyo Xukuumadiisa , si loo hirgeliyo mashaariicda horumarinta,maalgeshiga , lana suura-geliyo in shirkadaha China ay maalgeshi toos ah ay ku sameeyaan dalka Soomaaliya.
Warsaxaafadeed - Xafiiska Wasiirka Arimaha Dibadda
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.