Faysal C. Waraabe: Ina C/rashiid oo Boosaaso ka yimid, Kismaayo anaa kaga dhow

Muqdisho (KON) - Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inuu waajib ka saaranyahay in ay maamul u samayso gobalada Jubooyinka, dadka kale ee faraha kula jirana uusan waxba ka qusayn.
Warar Keydmedia Online

Wuxuu sheegay Faysal Cali Waraabe in Dowlada Soomaaliya looga fadhiyo in ay la timaado Qorshe dhab ah oo arintaan ku aadan si Gacanta Dowlada ay ugu soo laabtaan Gobalada Jubooyinka.

Shir ku sheega ka soconaya Magaalada Kismaayo ayuu sheegay inuu yahay mid ay ku jiraan gacmo shisheeyo isla markaana laga leeyahay dano gaar ah dadkiina la caburinayo.

Wuxuu ugu baaqay Shacabka Jubbooyinka in ay Dowladda ku Taageeran arimaha Jubbooyinka sidii ay ku xalin lahayd wuxuuna ugu baaqay shacabka Jubbland in ay ka shaqeeyaan sidii ay ku heli lahaayeen maamul wanaagsan.

Mar uu kahadlayay dadka gacanta ku haya shirka Kismaayo aragtidiisa in ay yihiin dadkii xaqa u lahaa maamul u samaynta deeganadaasi, ayuu sheegay dad badan oo xaq u leh in ay ku suganyihiin Kismaayo isagoona tusaale usoo qaatay beesha Absame oo uu sheegay in ay dagto Afmadow.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID ayaa shegay ina Cabdirashiid Cali Sharmaake marka la yirahdo shirka Kismaayo ayuu qab qable ka yahay arintaasi dad badan layaab in ay ku noqonayso.

“Waxa kamid ah la yaabka Jubbooyinka Ina Cabdirashiid oo Boosaaso ka yimid ayaa qab qable ka ah, hadii la yiraahdo Jubbooyinka anigoo Feysal Cali Waraabe ah ayaa oga dhow Kismaayo ina Cabdirashiid” ayuu yiri Siyaasigaan ka tirsan Somaliland.

Wuxuu ugu baaqay dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay gayso Kismaayo Ciidamo si ay ogala wareegaan ciidamadda shisheeye ee ku sugan Kismaayo.

Xigasho: Booramanews

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.