KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Guddigu wuxuu xusay, inuu dib ka soo sheegi doono waqtiga la qabanayo doorashada kuraastaan iyo halka lagu qaban doono, waxaase la rumeysan yahay in doorashadoodu ka dib dhci doonto doorashooyinka guddoonka golayaasha iyo Madaxweynaha.
MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Federal, ayaa go’aamiyay in dib loogu noqdo doorashada afartii kursi ee uu horay u hakiyay, si loo saxo habraacii qaldamay, iyadoo la tixraacayo habraacii doorashadii 2016-kii.
Guddiga FEIT, ayaa sababaha loo hor istaagay ansixinta natiijada kursiga HOP#086 ee Fahad Yaasiin, ka soo boobay Baladweyne, ku sheegay in oday dhaqameedyada jufada kursiga iska leh iyo mid ka mid ah musharrixiinta, cabasho soo gudbiyeen.
HOP#154 oo doorashadiisa la qabtay Baydhabo 29 Nov 2021, ayaan isna marin habraacii rasmiga ahaa, wuxuuna guddigu sheegay in mid ka mid ah musharaxiintii u tartameysay kursiga oo da'diisu ka yarayd 25 sano, taasoo ah mid burineysa habraaca doorashada.
HOP#103 Guddiga ayaa Nov 27, 2021, hakiyay qabashada doorashada kursigan, kadib markii uu cabasho gudbiyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, kaasoo laga hor istaagay inuu mar kale u tartamo.
HOP#204 Guddiga ayaa isna 13 March 2022 hakiyay qabashada doorashadiisa, kadib cabasho uu gudbiyay malaaqa guud iyo samaddoonada beesha kusiga iska leh, taasoo caddeyneysa in la baal maray habraaca doorashada.
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal, waxaa uu go'aamiyey in dib loogu noqdo doorashada dhammaan kuraastan, si loo saxo habraacii qaldamay. Iyadoo la tixraacayo habraacii doorashadii 2016-kii.
Guddigu wuxuu xusay, inuu dib ka soo sheegi doono waqtiga la qabanayo doorashada kuraastaan iyo halka lagu qaban doono, waxaase la rumeysan yahay in doorashadoodu ka dib dhci doonto doorashooyinka guddoonka golayaasha iyo Madaxweynaha.
Maamulka Koofur Galbeed, ayaa sheegay in ay xiriirka u jareen Xukuumadda Rooble, sababo la xariira khilaafka ka dhaxeeyay Farmaajo iyo Rooble, wuxuuna Laftagareen, ku gambanayaa kuraasta hore loo diiday ansixinta natiijadooda.
KEYDMEDIA ONLNE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.