KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Cali Geedi waa dhiigya Cabkii dadkiisa ku soo hogaamiyay duulaankii xabashida ee ay ku dhinteen 50,000 oo qof kuna barakaceen dad gaaraya 1 milyan.
Waa ninkii ka qeyb qaatay in daarihii dheeraa ee xamar dhulka lala simo laguna garaaco xaafadaha xamar madaafiicda goobta sandii 2007 -2008. Intaa waxaa u dheer lunsa shada hanti qaran oo uu qasri kaga dhistay magaalada Nairobi.
Cali geedi waxa ay ugu baxdaa wax kasta oo somalia dhib u ah sida taageeridiisa waalida ee uu lagarab taagan yahay Kenya iyo Ethopia iyo maamulada Dawlada ka soo horjeedo sida Jubaland.
Aduunyada markii wadan la xoreeyo waxaa laga bilaabaa in la sifeeyo dadkii la soo shaqeeyay Cadawga kana qeyb qaatay xasuuqii shacabka.
Nasiib xumo cali geedi ma helin xaqiisa oo ahaa in xukun dal-dalid ah lagu fuliyo.
Markuu taa ka baxsaday mudana uu ka maqnaa dalka waxa uu is yiri ceebti waa ay kaa hartay waxana uu dib ugu soo noqday masraxa siyaasada asigoo ka faa,ideysanaya dacfiga Xasan sheekh.
Geedi wuxuu maalmahan ku maqnaa pun/land markuu muqdisho ku soo laabtay wuxuu la yimid Qandaraas qorshe uu isku dayayo inuu ku kala geynayo Beelweynta Hawiye oo ilaahay mideeyay muddo dheer ka dib.
Cali geedi waxaan leenahay Hawiye wuu ka weyn yahay inuu shakhsi daba dhilif ah sidaada oo kale dartii ay isku seegaan dhexdooda.
Dawlada somalia gaar ahaan laamaha garsoorka waxaan ugu baaqeynaa iney cali geedi jeelka u taxaabaan laguna soo oogo dacwad ah Khiyaano Qaran ka dibna la dal dalo.
W/Q: Abdirashid Abdullahi Hassan
Keydmedia.net
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.